WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 26, 2012 (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay eedaymo kulul oo uu hore ugu soo jeediyay  guddoomiyaha urur siyaasadeedka   Ummada Dr Maxamed Cabdi Yuusuf Gaboose. Isaga oo sheegay  in ay dawalada taageero siiso lacagna ku bixiso ololaha ururo siyaasadeed oo gacan saar la leh.

Cabdi Aw-daahir oo daba socday eedaymihii Dr. Gaboose wuxuu yidhi “Runtii waxaan qabaa in eedaymahaas aanay waxba ka jirin, danta kaliya ee maanta kaliftay eedaymahaas aniga waxay iila muuqataa duruufta kaliya ee maanta kaliftay edaymahaas bacdamaa ay maanta tahay maalintii ugu danbaysay diiwaan galinta tira-koobka xubnaha Ururadda siyaasadda, dhakhtarku isaga oo ka shiidaal qaadanaaya laga yaabo duruufaha jira ee tira-koobka in isagu uu damcay xaaladiisa ololeed uu kula galgaasho xukuumadda eedaymahn.”

Wasiirka Xaanadda xooluhu wuxuu sheegay in hawsha tiro-koobka taageereyaasha ururada ee gobolada ay gacanta ku hayaan gudi lagu kalsoon yahay isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Runtii xukuumada sida ay mar horeba ay u dhacday Dr. Gaboose wakhtigii uu Sahan ahaa waxa uu eedeeyay xisbigii qaranka oo uu ku eedeeyay codbixin doroshooyinkii xilligaas.Tana waxay ila tahay inay sabab u tahay taas oo xaaladiisa maanta uu ku sugan yahay in uu ku nisbeeyo dawladda, waxaanu halkaa ka cadaynaynaa inaanay dawladu ay fara galin, faragalin doonina oo arrinkaa uu maanta baadhayo Gudida diiwaan gelinta ee tira-koobka, waa Guddi madax bannaan oo lagu kalsoon yahay ayaa gacanta ku haysa, wixii ka soo baxa yaanu ku eedeyn Xukuumada.”

SomlegalAds

Wasiirku wuxuu ku eedeeyay Dr. Gaboose inuu xiliyadii doorashadii hore ee madaxtooyadda uu ka soo hor-jeeday Madaxweyne Siilaanyo haddana uu u dhiibay xil weyn. “Dr. Gabose iyo anigu wakhtigii 2002-dii, anigu waxaan ku biiray Kulmiye isaguna waxa uu ku biiray UDUB waanu wada tashanay, markaa isagu aad iyo aad waxa uu ula dagalamay xisbiga Kulmiye,”ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir oo shalay u waramayay Telefishanka Horn-cable TV. Waxaana uu intaas ku daray. “Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waa nin madal ah oo runtii wixii dhaafay aan aad u tix-galin oo aan aad u raac-raacin, had iyo gooraale ka hadla maxaa maanta ay dantu ay ku jirtaa. maxay tallada qaranku ay ku jirtaa. isaga Gaboose iyo Masuliyiin fara badan markaa la dagalamay xiligii ololaha waxa uu siiyey boosaska ugu awooda badan,”ayuu yidhi Dr, Cabdi Aw-Daahir.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Awdaahir waxa uu sheegay Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Dr Maxamed Cabdi Gaboose aanay ahayn laba Siyaasi oo la is barbar dhigikaro waxaanu yidhi. “Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxay ku kala duwan yihiin marka shaqsiyan la eego Siilaanyo Maaha nin qunjuraafa, Axmed maaha nin raaca wixii tagay iyo hebel baa shalay is layseen oo Siyaasad iskaga hortimadeen ee waxa uu ka hadlaa maxaa dani ay ugu jirtaa dalka maanta, laakiin arrinkaasi waxaan qabaa inay tahay qunjuraaf arrinka Dr Gaboose keenay, danina uguma jirto maanta ee wadada wanaagsan ee Siyaasiga ah sida Ururadaas oo kale inuu u hawlgalo.”

Dr. Cabdi Aw Daahir wuxuu sheegay inaan xisbiga KULMIYE ee xukuumaddu ka dhalatay aanu ku jirin ururadan cusub ee la sii kal shaandheynayo, waxaanu yidhi “Xisbigayagu kuma jiro Ururada maanta la diwaan galinaayo oo sabab aanu u dhex-galaana ma jirto. waa Ururo 15 ah, waanay noo siman yihiin oo hanti gaara oo aanu cid siinaynaa ma jirto iyo qaar aanu u diidaynaaba. wax nagu kalifaana ma jirto, waxaan Dr Gaboose kula tallinayaa inuu wakhtiga Doorashada la sugo ee ay ku haboon tahay.”

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka UMMADA , ayaa  ku eedeeyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo in ay farogelin baaxad leh ku samaysay diwaagelinta madax taabashada ah,iyada oo  dhaqaale siisay ururo gaar.

Waxaana hadalkiisu sii kordhiyay warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in qaar ka mida ururada cusub ee siyaasada  laga badhi taageero Madaxtooyada, inkastoo Madaxtooyadu beeniso wararkaas.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.