Dagaalka Musuqmaasuqa Ee Hantidhowrka Iyo Masuuliyiinta Golaha Deegaanka Boorama

0
43
PropellerAds

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh

Tan iyo markii magaalada Hargeysa lagu xidhay masuulyiin sarsare oo  lagu eedeeyey inay musumaasuqeen deeq raashin oo la siin lahaa danyarta reer Somaliland ah, ayaa hantidhawrka Guud ee Somaliland ku ambabaray musumaasuq la sheegay inuu ka dhacay Golaha deegaanka Boorama, lana lunsaday dakhli aanay imika cadadkiisa sheegin.

maalin kaddib markii  masuulyiinta sarsare ee xukuumadda loo xidhxidhay arrimahaaasi ayaa hantidhawraha Guud  sidoo kale warbaahinta ka sheegay in Golaha deegaanka Boorama uu ka jiro musumaasuq lagu lunsaday xoolo dadweyne, isla markaana ay hayaan caddaymo muujinaya  qaabka loo lunsaday xoolaha dadweynaha, waxaana uu farta ku fiiqay dekumentiyo foorjari ah oo loo adeegsaday.

Hantidhawraha Guud ayaa sidoo kale magacaabay  masuulyiin hore iyo kuwa haatan jooga golaha deegaanka Boorama oo ku eedeysan arrimaha musuqmaasuq, waxana uu magacaabay xoghayayaal xilka lagala wareegay iyo shakhsiyaad kale oo haatan ka shaqeeya golahaasi, balse, muu  magacaabin guddoomiyaha Golaha deegaanka magaalada .

 Haddaba, markaad eegto magacaabista  eedeysanayaasha uu magacaabay  hantidhawraha Guud, waxay keentay in shaqada handhawrka guud ee xukuumadda Siilaanyo loo arko mid  shaqadiisu ka duwantahay tii lagu yaqaannay handhawradii Guud  ee  Soomaaliya iyo Somalilandba soo maray,  taasoo la ogaa in shaqada  hantidhawrka Guud ahaan jirtay mid kedis ah oo aan cidna farta lagu fiiqin  hawlgalka hortii,waxana magacaabista masuulka hantidhawrka guud magacaabayo eedeysanayaasha loo tirinayo muqumaasuqu keentay inay badi eedeysanayaashaasi ka baxsadaan gacanta ciidamada amniga, intii la qabtay qaarkoodna  damaanad ku baxsadeen  marka laga reebo laba xubnood oo haatan ku jira xabsiga dhexe ee Boorama. Tuhunka iyo madmadowga shaqada hantidhawrka  guud ka muuqday, ayaa waxay keentay in kooxdii u horreysay ee ka socotay hantidhawrka Guud  ee Boorama loo soo diray ay  ku guuleysan weyday  inay gacaanta ku dhigaan dhammaan eedaha musuqmaasuq dadka la tirinayo, halka koox labaad oo loo soo diray khamiistii Booramana ay weli gaafwareegeyaan agagaarka maamulka Golaha deegaanka ,isla markaana aanay jirin wax tallaabo ah oo ay ka qaadeen cid kastoo loo tirinayo inay lunsatay hantida dawladda iyo dadweynahaba.

 Dagaalka hantidhawrka guud ku soo qaaday Golaha deegaanka Boorama ayaad mooddaa in durba la kala daadiyey, maadaama  ragga uu hantidhawrka guud ku tuhunsanyahay inay galeen musuqmaasuqu yihiin kuwa la tuhunsanyahay inay  xukuumadda sare ka haystaan difaac looga  warwareegayo qabshadooda, daafacaasoo ay daba socoto sasabo lagu doonayo in masuulyiintaasi  bilaa shuruud ku soo xereeyaan dakhliga lagu tuhunsanyahay inay lunsadeen, meeshana laga saaro xadhig iyo maxkamadeyn. Inkastoo waanwaatani aad mooddo inay shaqaynayso, hase yeeshee dhibaatada meesha taalla ayaa waxay tahay sababta xubno farakutiris ahi ugu xidhanyihiin xabsiga, badi eedeysanayaasha arrimahaasina bannaanka iskaga joogaan  ama uga baxsadeen gacanta ciidamada ammaanka. Jawaabaha su’aalahjaasi iyo kuwa la mid ah ayaa lagu sifeyn karaa in hantidhawrka guud aanu markiisii horeba daacad ka ahayn soo qabashada cid kastoo degmadan ka gashay  dembiyo la mid ah kuwa ay u xidhanyihiin masuulyiinta sarsare, hadii xitaa wakhtigan xaadirka ah la soo qabtana laga yaabo in ciddii ku caddayn lahaa dembiyadaasi ama fakatay, ama  magaalada ku dhuumaalaysanayo, sidaa darteedna raad kastoo lagu eedeyn karo xubnaha la tuhunsanyahay  inay galeen musumaasuqu  ay meesha ka baxaan. dhinaca kale, waxad mooddaa inay bilowgii sheekada hantidhawrka Guud kaga yimaaddeen Hargeysa loo qaadan karayey in  ay ahayd uun in  qaybo ka mid ah dadweynaha ay ka xidhanyihiin masuulyiinta sarsare ee Hargeysa lagu qabtay lagu  qanciyo, xadhigooduna aanu noqon kan keliya ee ku eedeysan musuqa, Degmooyinka kale ee dalkana la helo masuulyiin loo xidhxidho arrimo musumaasuq ,taasoo haatan wax yar uuni ka bilowdeen, balse aanay meesha ama Boorama  ku jirin rag la miisaan ah kuwa  musuqa ugu xidhan caasimadda, sidaa darteedna hawlgalka hantidhawrka Guud yahay uun mid magac ah.

Ugu dambayntiina sheekooyinka la xidhiidha musuqa laga baadhayo masuulyiinta Golaha deegaanka Boorama ayaad moodaa in aan lagu guulesan, isla markaana, waxaa uu u muuqdaa la dagaalanka musuqa ee hantidhawrka Guud ka wado Boorama mid aan laga gaadhin natiijo waxtar leh, ama sidii ay  yeeli jireen hantidhawradii ay Hargeysa kasoo diri jireen xukuumadihii hore ay kooxahanna aakhirataanka iskaga laabtaan  guryahooda   maalmo ama toddobaaddo kaddib ay buuqa caasimadda kaga nastaan deegaannada kale ee dalka  sida Boorama oo kale.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.