WorldRemitAds

Taageereyaasha kubadda cagta adduunka iyo kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa weerar ba’an ku qaaday difaaca Real Madrid ee Sergio Ramos oo dhaawac u geystay Maxamed Salaax, kaas oo ciyaarta ka baxay qaybtii hore markii uu garabka dhaawac uga geystay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Ramos ayaa gacanta midig iskaga duubay Maxamed Salaax, kaddibna si xoog ah dhulka ugu dhuftay ka hor intii aanu isku dul-tuurin, taas oo garabka waxyeello weyn ka gaadhsiisay xiddiga reer Masar.
Salaax ayaa dhulka jiifay in muddo ah iyadoo aanu garsooruhuna khalad u qabanin, waxaana halkaas ugu yimid kooxda dhakhaatiirta oo daaweyn fudud u sameeyey ka hor intii aanu garoonka ku soo laabanin, hase yeeshee muddo kooban kaddib ayaa uu dhulka ku dhacay isagoo ooyaya, waxaanu dalbaday in la beddelo.
Laacibka khadka dhexe ee Adam Lallana ayaa lagu beddelay, waxaase ay taasi fursad siisay Real Madrid oo uu ka degay culayskii weynaa iyo baqashadii Maxamed Salaax uu ku hayey.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Taageereyaasha kubadda cagta adduunka iyo Liverpool ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay waxa ay si xun barta bulshada ee Twitter-ka ugu weerareen Sergio Ramos oo ay eedeeyeen inuu si badheedh ah u dhaawacay Salaax.
“Salaax ilmo ayaa ka da’aysa, wuxuu u muuqdaa inuu burburay. Salaax dhaawac ayaa lagu saaray. Wax laga yaqyaqsoodo ayuu sameeyey Ramos, waanan sii ogaa inuu sidaas yeelayo” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah taageereyaasha Liverpool oo lagu magacaabo John Cross.
Halkan ka akhri dhamaan weerarkii lagu qaaday Ramos oo ku qoran luuqadda English:

https://twitter.com/asmaa_samiiir/status/1000476233526804480

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.