Boorama, Somaliland, December 11, 2015 (Saxafi) – Munaasabad lagu beegay maalinta caalamku u aqoonsaday Xuska ilaalinta xuquuqda aadamaha ee 10-ka December ayaa shalay lagu qabtay Huteel Haldoor ee magaalada Boorama.

Guddoomiyaha ururka Sosta Cabdiqani Cabdillaahi Kaahiye ayaa ka hadlay ujeedada laga leeyahay xuska maalintan muwaadiniinta dalka iyo adduun weynaha qiimaha ugu fadhidda, isagoo sheegay in ururkiisu in muddo ahba ku hawllanaa dabagalka iyo la socodka xadgudubyada loo geysto xaqa muwaadiniintu u leeyihiin xorriyatal-qawlka, cibaadada iyo xadgudubyada loo geysto hablaha sida kufsiga, magangelyo doonka iyo arrimo kale, isagoo dhinaca kalena guddoomiyuhu sheegay inay tiro koobaan xadgudubyadaasi, lana xidhiidhaan cidda ay khuseeyaan wax ka qabashadoodu.

Waxa kale oo munaasibadda ka hadashay isuduwaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha qoyska Farduus Sheekh Siciid, odayaal iyo waxgarad kale.