WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 28, 2018 (Saxafi) – Ururka International Crisis Group (Kooxda Qalalaasaha Adduunka ICG) ayaa qoraal dheer oo ay ka diyaariyeen dagaaladda soo noqnoqday ee deegaanka Tukaraq kaga dayriyay xaaladda aagaas, Islamarkaana tilmaamay in beesha caalamku dhayalsatay dhibaato culus oo halkaas ka soo fool leh.

Ururka waxaa ay si weyn u faah-faahiyeen khasaaraha dagaaladaasi keeneen, sida ay ku bilaabmeen mudada muranka Somaliland iyo Maamul goboleedka Somalia ee Puntland taagnaa iyo dhinac waliba waxaa uu ku doodayo, iyagga oo tilmaamay in Somaliland doonayso inay soo xidho xuduudkii Lixdankii ay Ingiriiska kagala wareegtay Xoriyadda, sida oo kale Puntland ku dhagan tahay talnimmo guud oo ka dhaxaysa qaar ka mid ah beelaha Somaliland degan. Waxaa kale oo ururku sharaxay cabaqabadaha labada dhinacba ku gedaaman, iyaddoo tusaale u soo qaadatay in Somaliland la tacaalayso xaaladda Ceel Af Weyn. Halka dhinaca kale, maamul goboleedka Puntland la baaxaa degayso dagaallo afar jiho kaga furan, aaga Gaalkacayo, Galgala iyo Somaliland taasina ay keenayso inay meesha ka baxdo nabadii mudada deegaankaasi ku naaloonayay.

SomlegalAds

Ururuku waxaa kale oo uu sheegay in waqtigan la isu hub urursadday, Islamarkaana xaaladdu faraha ka bixi karto, iyaddoo beesha caalamka oo si weyn u boggaadin jirtay deganaanshaha aagana ay haatan u muuqato mid aan xil badan iska saarrin hubka la isu urursadday iyo xaaladda dhibaatadda culus keeni karta ee ka aloossan Tukaraq, waxaana uu ku taliyay ururku in beesha caalamku deg-deg ugu gurmato hawshan. Iyaggoo labada dhinac ee dagaalku ka dhexeeyana ku guubaabiyay inay xaaladda Dejiyaan oo u hoggaansamaan soo jeedimaha beesha caalamka marka hore si marka xaalka la dejiyo loo darso sababta dagaalka, Islamarkaana loogu garqaado, waxaana ururku tilmaamay in aan dhinacna qaadi karrin dagaal sii socdda oo keena khasaare hor leh.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.