WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland December 27, 2016 (Saxafi) – Shirwaynaha 6aad ee dalladda naafada heer qaran SNDF ayaa lagu doortay hogaan cusub oo ay xilka ku wareejin doonaan hogaankii hore ee ururka naafada heer qaran SNDF.

Shirwaynaha 6-aad ee ururka naafada heer qaran ee SNDF oo maalintii shalay lagu soo gabagabeeyay  magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qayb galay wasiirul dowlaha wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada, wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta, masuuliyinta ururka naafada iyo ururada kale ayaa goob joog ka ahaa shirwaynaha ururka SNDF. Ugu horayn waxa shirwaynaha warbixin ka jeedisay gudoomiyihii hore ee ururka naafada SNDF Nuura Maxamuud Nuur oo ka hadashay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay xilka haysay, waxana hadalkeedu u dhignaa sidan “Shaqooyinkaygii ugu horeeyey ee istraatijiyadaydii markii aan arkay sumcadi meeshu markii ay dhimatay runtiina hay’aduhu waxa ay kula shaqeeyaan sumcad ayey kugula shaqeynayaan, hay’dihii marka la shaqayn jirey kooxaysi  iyo waraaqo loo dirro la badiyey ayaan markaan arkay in ay faraha ka sii baxayaan.

vlcsnap-2016-12-26-21h34m10s343 vlcsnap-2016-12-26-21h34m14s055 vlcsnap-2016-12-26-21h34m43s105Waxa aan go’aansaday mudo 8 bilood ah oo aan gudigii xilka ila hayay u sheegay in aan dowlada miissaaniyadda qaranka nagu dara idhaa, waxa ay dowlada Somaliland ee uu madaxweyne Axmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo uu gadh-wadeenka ka yahay in ay igu karaameeyaan, waanay iga aqbaleen oo waa ay nagu dareen missaniyadda.”

SomlegalAds

Gudomiyaha cusub ee ururka SNDF Daahir Cabdi Xuseen halka ku xigeenka loo doortay Cusmaan Axmed Cabdi xoghayaha ururkaasi loo doortay Faadumo Xaashi Cabdillaahi ayaa ugu dambayntii hogaanka cusub u ballan qadeen in ay si cadaalad ah oo dacaad ah u hogaamin doonaan ururka mudo xileedka sharciga ah ee ururkaasi uu ogol yahay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.