WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, December 27, 2016 (Saxafi) – Hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa soo bandhigay shaqsi ay ku sheegeen in uu yahay darawalkii waday gaadhi 11-kii bishan lagu weeraray dekeda Muqdisho oo ay ku dhinteen dad xoogsato u badnaa.

Ninkan oo ay muuqaalkiisa ku shaaciyeen bogga ay ku leeyihiin Twitter –ka ayaa magaciisa lagu sheegay Max’ed Ibraahim Xassan oo mudo dheerba ay ku raad joogeen ciidamada nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Hay’adda NISA ayaa ku adkeysaneysa in qofkan ay soo qabteen uu ahaa shaqsigii darawalka ka ahaa gaadhigaas, islamarkaana geeyay goobta lagu qarxiyay, iyaga oo intaa ku daray in deegaanka Janaale ee gobolka Shabeeladda hoose lagu diyaariyay gaadhigan Qarxay ee dakada la agdhigay.

SomlegalAds

Ugu danbeyntii, lama oga sida ninkan uu uga badbaaday qaraxa, waxaase la rumeysan yahay in markii uu geeyay gaadhiga walxaha qarxa lagu soo raray halkii bartilmaameedku ahaa uu isagu ka tagay goobta, kadibna sidaa gaadhiga lagu qarxiyay.

Hore sidan oo kale ciidamada NISA waxaa ay gacanta ugu dhigeen shaqsigii waday ama darawalka ka ahaa gaadhi lagu qarxiyay suuqa Beerta ee magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 ruux.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.