WorldRemitAds

 “Mudaneyaal Waxa Dhaqan Galaya Shuruucdii Aad Halkan Ku Ansixiseen Oo Runtii Inoo Soo Jiiday In Lacago Badan Oo Qalaad Ay….” Wasiir Samsam Cabdi Aadan

Hargeysa, Somaliland, December 27, 2016 (Saxafi) – Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa Shalay Golaha Wakiilada u gudbisay odoroska Miisaaniyada Sanadkan 2017-ka oo uu ka muuqdo korodh dhan Boqolkiiba 27.5%.

Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa si faahfaahsan uga warbixisay Miisaaniyada Sanadkan 2017-ka oo ay ka hor akhriday fadhi ay shalay yeesheen Golaha Wakiilada Somaliland, kaas oo ay ku soo bandhigtay korodhka Mushaharaadka Shaqaalaha iyo Ciidamada kala duwan ee dalka oo Miisaaniyadan korodh ugu jiro.

SomlegalAds

Wasiir Samsam Cabdi Aadan waxa ay ku bilawday sidan;- “Shirgudoonka Golaha Wakiilada iyo Xildhibaanada halkan fadhiya, Aad baan idiin salaamayaa. Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa Miisaaniyadii 2017-ka oo ka kooban dawladda dhexe, hay’adaha madaxa banaan, Dawladaha Hoose iyo Dakhliga deeqaha hay’adaha Caalamiga ah, iyo dakhliga mashruuca maamul daadajinta.

Waxay Miisaaniyadani dheertay Miisaaniyadii hore oo ay ka korodhay 27.5% oo ay ka badan tahay, waxa hay’adaha ku dhex jira oo aad ku arki doontaan buugga la idin siiyey, maadaama oo sharciyadii Public Finance Management-ka ee aad idinkuna ansixiseen ee la dhaqangaliyey ay keeneen in lacagihii Baanka Aduunka (World Bank) ee ay deeqbixiyayaashu toos ugu shubi jireen meelaha kale inay Wasaaradda Maaliyadda soo marto, markaa kaa PFM-ka ayaad ka arki doontaan in Wasaaradda Maaliyada Afar Milyan (4 Million) oo dollar ku jiraan, SDF-ta oo Wasaarada Qorshaynta ay Sideed Milyan (8 Million) ku jiraan, Wasaarada Deegaanka Milyan iyo dheeraad ayaa ku jira, markaa dhamaan lacagahaasi toos waxa ay usoo mareen Wasaaradda Maaliyada, waxaana saxeexa Xisaabiyaha Guud iyo maamulka lacagta ee Wasaaradda Maaliyada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada iyo kolba Wasaarada lacagtu u socoto.

Miisaaniyada sanadkan 2017-ku waxa ay maraysaa marka la’ isku geeyo SL/Shilling 2, 175,104,355,662 (laba Trillion, boqol iyo shan iyo todobaatan Bilyan boqol iyo afar malyan saddex boqol iyo shan iyo konton kun iyo lix boqol iyo laba iyo lixdan shilling), marka dollar ahaana waa $362,517,393 (Saddex Boqol Iyo Laba iyo Lixdan Milyan, Shan boqol todoba iyo toban kun iyo saddex boqol saddex iyo sagaashan dollar).

Waxa xoog la saaray oo sanadkan aad arki doontaan qalabka iyo saanadda ciidamada dalka ee kala duwan, kharashka doorashooyinka oo iyagana markii aanu shirar la galnay qolooyinkii deeq-bixiyeyaasha in lacagihii ka baxay ay ku yara xisaabtameen oo ay yidhaahdeen lacagihii baa naga yaraaday, markaa waxa aanu ugu tala galnay doorashooyinka hadii lacag laga waayo hay’adaha iyo deeqbixiyeyaasha in dawladda Somaliland madaxa ku qaadato markaa toban Milyan (10 Million dollar) ayaa iyagana ugu jira, waana kharashka doorashooyinka iyo kaadh-badalka.

Kordhinta Mushaharooyinka shaqaalaha iyo ciidamada oo dhan oo iyagana la kordhiyey boqolkiiba toban la kordhiyey sanadkan. Waxa kale oo ku jirta Ictiraaf raadinta oo iyagana laba milyan oo dollar aanu ugu darnay. Abaaraha oo iyagana laba milyan lagu daray. Mashruuca dhiraynta deegaanka ee Wasaarada Deegaanka iyaduna way ku jirtaa. Iibka kharashka laabka biyaha, waxaana jira warshado badan oo biyaha sifeeya markaa xanuuno yaryar oo baryihii hore aan soo badan jirin ayaa jira, markaa in laab biyaha lagu baadho iyo cuntooyinka iyo dawooyinkaba lagu baadho in la keeno kaana lacag ayaa ugu jirta.

Baanka dhexe Lix milyan oo dollar oo loogu talo galay in lagu fadhiisiyo sarifka kolba aad kor ugu kacaya, taas oo lagula tacaali doono arrimahaasi ayaa ugu jirta baanka dhexe ee Somaliland.

Dhismaha guriga martida ee Boorama oo sanadkii hore bilaabmay oo dhexda ku kala go’ay iyagana intii ka hadhsanayd ayaanu sanadkan ugu darnay. Dhismaha MCH-yada Madaxweynuhu uu dhagax dhigay. Dhismaha goobaha Dab-demiska Boorama, Burco iyo Wajaale. Dhismaha Garoonka cusub ee Shulac Stadium. Dhismaha Guryaha Macalimiinta oo sanadkan aanu ugu talo galnay in marba Village ay macalimiintu leedahay la dhiso markaa sanadkan Nus Milyan dollar (half a million) ayaa ugu jira in macalimiinta guryo loo dhiso.

Dhismaha goobaha Kalluunka, dhismaha rugta kutubta Berbera, dhismaha Rugta Kutubta Boorama, Dhismaha Jeelka Burco, dhamaystirka xafiisyada Wasaarada Maaliyada, waxa noo socda dhismaha Wasaarada Maaliyada ee Wajaale oo dhamaad maraya, Berbera oo dhamaad maraya iyo Burco oo aanu bilaabayno dhamaystirkooda, dhamaystirka dayactirka garoonka Timacade oo sanadkan aanu ugu darnay lacag ku filan oo dhamaystirta.

golaaheDaryeelka iyo dib u dhiska Iskuulada dalka, Iskuulada cusub waxa dhisa hay’adaha laakiin iskuulada dayactirkooda iyo dib u dhiskooda iskuuladii hore in dib loo hagaajiyo Wasaarada Waxbarashada ayaa shaqo ku leh markaa iyadana lacag ayaa loogu daray.

Iibsiga Qalabka Caafimaadka, Iibsiga qalabka Dab-demiska, Iibisiga gaadiidka iyo qalabka xafiisyada Wasaaradaha iyo hay’adaha, Kaalmada Madxafka SURYAN, kaalmooyinka Agoomaha, iyo SOLJA iyo ururka Naafada Qaranka oo sanadkii horena ku jiray. Waxa kale oo sanadkan ku dheeraad ah oo ku cusub Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista, ururuka Dhakhaatiirta, Kaalmada dalada dhalinyarada ee SONYO iyo mashruuca xanaanada xoolaha, wixii dheeraad ah eek u jira waa intaa, wixii kalena waa kuwii sanadkii hore ku jiray”.

Wasiir Samsam iyadoo hadalkeeda sii wata, waxay intaasi raacisay “Waxa kale oo dekhliga sanadkan ina soo galaya ee dheeraadka ku ah waa Toban Milyan oo DP World ay Entry ticket ay ku bixinayeen iyo 2.5 oo ah kiradii dekeda Berbera intaasina waxa ay ku jiraan dekhliyada ina soo galaya sanadkan hadii alle yidhaahdo oo aynu filayno January 2017-kan hadii alle yidhaahdo.

Hadii ay dhacdo in xoolaha la joojiyo, waxa aanu bilawnay GST ama VAT waxa la yidhaahdo oo koobka shaahaba wax yar ayaa saaran oo xisaabiyaha la ag dhigayaa oo aanu keenaynaa, markaa wixii la iibiyaha GFT-gaasi wuu la soconayaa ama kuwii ahaan jiray (Value Added Tax) oo aduunka oo dhami ay ku shaqeeyaan.

Mudaneyaal waxa dhaqan galaya shuruucdii aad halkan ku ansixiseen oo runtii inoo soo jiiday in lacago badan oo qalaad ay ku soo dhacdo Wasaaradda Maaliyada, GPLG-gu isaguna sidiisii buu u soconayaa, SDF-ta oo iyaduna mid walba ay idiinku qoran tahay buuga sanadkan waxa ay bixinayaan, intaasaanu idiin haynaa wixii dheeraad ahna buugaagta ayaad ka eegi doontaan” ayay tidhi Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan oo maanta ka hor akhriday Odoroska Miisaaniyada Sanadka 2017-ka oo ay hor keentay fadhiga Golaha Wakiilada Somaliland.

Gabogabadiina Guddida arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada ayaa shahaado sharaf ku maamuustay Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan sida ay uga qayb qaadatay arimaha bulshada, Waxaana Shahaadadaasi Gudoonsiiyey gudoonsiiyey gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo Kalfadhigaasi gudoominayey.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.