WorldRemitAds

“Cid Kasta Oo Ku Kacda Falal Borobogaandho Ah Oo Lagu Kicinayo Shacabka Talaabo Ayaa Laga Qaadi Doonnaa” Taliye Fadal.

“Haddii muwaadin lagula kaco fal sharciga ka hor imanaya waa inuu u soo dacwoodaa booliska, isla markaana waa inuu baadhista iyo wax ka qabashadda falkaasi ka war sugo” Fadal

Hargeysa, Somaliland, December 27, 2016 (Saxafi) – Ciidamada Somaliland ayaa sheegay inay soo qabteen dad lagu tuhunsan yahay inay ku kaceen falalkii lagu jidh dilay laba xubnood oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga Wadddani oo ay muddo baadhitaankeedda ku jireen sidii loo soo qaban lahaa dadkii arrintaasi ka dambeeyey.

SomlegalAds

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inaanay banaanayn in laga hor dhaco arrimo baadhitaan ku jira, isla markaana waxa uu shacabka u soo jeediyay in qofkii dhibaato tirsadda u soo dacwoodda ciidanka, balse aanay faafin warar baro bogaaddo ah oo dhibaato amni daro abuuri kara. “Ciidanku boolisku wuxuu qaranka wakiil uga yahay ilaalinta amniga gudaha ee dalka Somaliland, caalamka dhacdooyinka 24-ka saacadoodba way dhacaan, laakiin dhacdo marka ay dhacdo mid baa waajib loogu leeyahay dhacdadaasi maxaad ka qabateen”ayuu yidhi taliyaha Booliska Fadal.

Fadal oo dadweynaha fariin u diraya waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay inta ciidanku waajibaadkooda gudanayo waxaan u soo jeedinayaa shacabka, iyo cid kasta oo arrintani khuseyso in laga hor dhaco baadhitaanka, oo waxyaalo nabadgalyadda khatar ku ah ama dadka oo la kicinayo aanay ku kicin, ciidanka boolisku waa naftood hurayaal uu shacabku ku kalsoon yahay, oo ay la shaqeeyaan laakiin waxaan leeyahay nin muraadlahow ha sheegin wax aan jirin oo nabadgalyada ha ku ciyaarin, waa inaad ka war sugtaa ciidanka booliska iyo baadhitaanka lagu jiro, haddii muwaadin lagula kaco fal sharciga ka hor imanaya waa inuu usoo dacwoodaa booliska, isla markaana waa inuu baaadhista iyo wax ka qabashadda falkaasi ka war sugo, looma baahna inuu ka hor dhaco baadhitaanka, cid sharciga ka saraysaa ma jirto, waxaan leeyahay cid kasta oo faafisa wax nabadgalyada qaranka halis ku ah ama kicinaysa bulshada inaanu talaabo ka qaadi doonno, waayo wararka aan jirin marka la faafinayo waa khalad ee waa inaad na waydiisaan maxaad ka qabateen, waxaana la hor keeni doonaa sharciga, cid kasta oo ku kaca falal borobogaandho ah oo lagu kicinayo shacabka talaabo ayaa laga qaadi doonnaa oo sharciga ayaa la hor geyn doonaa”.

Afhayeenaka ciidanka Boolsika Faysal Xiis ayaa isaguna sheegay inay qabteen laba eedeysan oo lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen weerarkii jidh dilka ahaa ee loo geystay laba masuul oo ka tirsan xisbiga WADDANI. “Waxaa ay boolisku gacanta ku soo dhigeen eedeysane Khaliif Axmed Cali Cawaale, kaasi oo lagu eedeeyey inuu u hanjabay dhibane Maxamed Sidiiq Dhamme, inta aanu falku dhicin ka hor,  baadhitaankii uu boolisku waday waxa nooga soo ifbaxday  oo boolisku gacanta ku soo dhigeen Cabdikariim Cabdilaahi Ismaaciil Rigaax oo isna lala xidhiidhinayo inuu fal-dambiyeedkaasi lug ku lahaa, labadda eedeysane way xidhan yihiin waana la baadhayaa waxaana si degdeg ah loo hor geyn doonaa maxkamadda”ayuu yidhi Faysal Xiis.

Falalkan lagu jidh dilay laba masuul oo ka tirsan xisbiga WADAN ayaa dhacay laba habeen oo kala danbeeyay dhawaan, iyaddoo ciidamada amaanku hashaas ku jiraan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.