WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 27, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay masuuliyiin cusub u magacaabay maamulka xisbigaas ee gobolada Togdheer iyo Buuhoodle.

Laba digrooto oo uu guddoomiyaha Kulmiye shalay soo saaray ayaa waxa uu masuuliyiintan ugu kala magacaabay Guddoomiyaha Xisbigaas ee Degmada Widhwidh iyo Xoghayaha iyo Afhayeenka Guddida Fulinta ee Xisbigaas ee gobolka Togdheer, waxaanay labada digreeto ee magacaabistani u qornaayeen sidan:

“1. Ujeeddo: Magacaabista Xoghayaha iyo Afhayeenka Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.

SomlegalAds

Kadib markii aan arkay muhiimadda xilalkan heer Gobol u leeyihiin habsami-u-socodka iyo dar-dargalinta hawlaha xisbiga, waxaan u magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Xoghayaha iyo Afhayeenka Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer, laga bilaabo maanta oo bishu tahay December 26, 2016.

  1. Mudane Mustafe Ismaaciil Cabdi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.
  2. Mudane Cabdiqani Mahdi Jaamac – In maanta laga bilaabo uu ahaado Afhayeenka Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer.

Waxa aan u mahadcelinayaa Xoghayihii hore ee Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer Mudane Baashe Cismaan Xirsi sidii wacnayd ee uu waajibkiisa shaqo uga soo baxay muddadii uu xilka hayey, waxaanan u rajaynayaa xubnaha cusub in Alle ku asturo xilka iyo masuuliyadda ay qaadeen..

  1. Ujeeddo:Magacaabista Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Degmada Widh-Widh, Gobolka Buuhoodle

Kadib markii aan arkay muhiimadda xilkan heer Degmo u leeyahay habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxaan u magacaabay masuulka magaciisu hoos ku qoranyahay in uu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Degmada Widh-Widhee Gobolka Buuhoodle, laga bilaabo maanta oo bishu tahay December 26, 2016.

  1. Mukhtaar Ismaaciil Xaaji Axmed (Dabay) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Degmada Widh-Widh ee Gobolka Buuhoodle.

Waxa aan u rajaynayaa Guddoomiyaha in Alle ku asturo xilkaa iyo masuuliyadaa uu u qaaday bah-weynta Xisbiga KULMIYE ee Degmada Widh-Widh ee Gobolka Buuhoodle.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.