WorldRemitAds

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa la shaaciyay in aanu ka qayb geli doonin, aaska qaran ee maalinta Jimcaha loo samayn doono, Muhammad Ali, boqorkii feedhka aduunka, kana midka ahaa halyeeyada qaran ee dalka Maraykanka.

Sida sharciga dalka Maraykanku dhigayo, madaxweynaha dalku wuxuu ka qayb gelayaa aaska qaran ee loo samaynayo qof magac iyo taariikh ku leh dalka Maraykanka, laakiin wuu ka baaqan karaa, haddii safar uu dibada ugu maqan yahay iyo arrimo kale la soo dersaan, waana in sababta uu uga maqnaaday uu umada u cadeeyaa.

Aqalka cad ee looga taliyo dalka Maraykanku isaga oo fulinaya qodobkaa dastuuriga ah, waxa uu cadayn shacabka Maraykan ka siinayaa, sababta keentay in Madaxweyne Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle Obama aanay ka qayb gelin aaska qaran ee Muhammad Ali.

SomlegalAds

Sida afhayeen u hadlay aqalka cad oo lagu magacaabo, Jane Friedman sheegay, Madaxweyne Obama ayaa baroor diiq loo sameeyay Muhammad Ali hore uga qayb galay, laakiin maalinta aaska qaran loogu samaynayo magaaladii uu ku dhashay Muhammad Ali ee Louisville gobolka Kentucky kama qayb geli doono.

Waxase munaasibada aaska qaran laga akhriyi doona khudbadii uu Madaxweynuhu ugu talo galay, oo mid ka mid ah gacan yarayaashiisu ka jeedin doono goobta aaska qaran ka dhacayo.

Sida lagu sheegay bayaanka aqalka cad Madaxweynaha iyo xaaskiisa ayaa ka qayb galka aaska Muhammad Ali uga baaqday, qalin jabinta Inantooda Malia oo ay kaga qayb geli doonaan dugsiga sare ee magaalada Washington ay ka dhigato.

Waxa kale oo bayaankan lagu cadeeyay in rasmi ahaan uu Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama munaasibada aaska qaran ee Muhammad Ali ugu matali doono Maayerka magaalada lagu aasayo ee Louisville kaas oo noqon doona masuulka ugu sareeya dawlada Maraykanka ee hogaamin doona baroor diiqda iyo aaska qaran ee boqorkii feedhka aduunka, oo jimcaha lagu aasi doono xabaalaha qoykooda ee magaaladii uu ku dhashay, waxaana la filayaa in baroor diiqdaa ay ka qayb geli doonaan ilaa labaatan milyan oo madax iyo dadweyne isugu jira.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.