WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 5, 2018 (Saxafi) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka fal-celiyay buuq ay fadhigii shalay galiyeen xubno Mudaneyaasha Golahaasi ka mid ah oo ay ku dalbanayaan in ajandaha Kalfadhiga 66aad lagu soo daro wax-ka-bedel lagu sameeyo xeer-hoosaadka Golaha Guurtida Somaliland, waxaanu sheegay in buuqani tilmaamay in goluhu hawshiisa qabsan kari waayey, sidaas darteed ay noqonayso in Madaxweynaha Somaliland laga codsado inuu kala diro golaha.

Xildhibaanno ka mid ah Guurtida oo ka qayb-galay dood Goluhu ka yeeshay Ajandaha Kal-fadhiga 66-aad, ayaa qaarkood Shir-guddoonka Golahaasi ku eedeeyay inay ajandaha Kal-fadhiga ka saareen Xeer-hoosaadka Golahaasi oo Guddiga Joogtada ahi ku soo dareen, si wax looga beddelo, waxayna Xildhibaannadaasi dalbadeen in Ajandaha Kal-fadhiga lagu soo daro Ajandaha, halka Xildhibaanno kale oo Doodda ka qayb-galayna Madaxweynaha ku eedeeyeen inuu ka maarmay Golaha Guurtida oo uu aanu u adeegsanin hawlaha la xidhiidha Nabadgelyadda Qaranka.

SomlegalAds

Mid ka mid ah Xildhibaannada ee doodda ka qayb-galay ayaa isagoo cadho ka muuqato isla-markaana codka kor u qaadaya wuxuu yidhi “Maaddaama oo Guddiga Joogtada ahi Ajandaha Kalfadhigan ee la idiin soo gudbiyey ku soo dareen Xeer-hoosaadka Golaha si wax looga beddelo oo Guddoomiye aad idinku ka saarteen (ha lagu soo daro)…”

Xildhibaan kale oo Golahaasi ka mid ah oo isaguna doodda Mudanayaasha qayb ka ahaa ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inuu ka maarmay Mudaneyaasha Golahaasi, sidaasi darteed ay ahayd inay Goluhu iyagu is-qiimeeyaan, waxaanu yidhi “Madaxweynuhu wuxuu yidhi Golaha Guurtida waan ka maarmay, wuxuu yidhi waxaan kaxaysanayaa Cuqaal iyo Wasiirro, markaa Golaha Guurtidu waa fadhiid, waxay ahayd in Maanta Ajandaheenu ahaado Madaxweynaha oo aynu Golaheena is-qiimayno, ee ma ahayn in hawsheenu ahaato Ajandaha (Golaha ee kal-fadhiga 66-aad)…”

Laakiin, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo Fadhiga Shir-guddoominayey, ayaa ka cadhooday eedaha xildhibaannada qaarkood ugu soo jeediyeen inay Shir-guddoon ahaan Ajandaha ka saareen qodobkii soo jeedinayey in wax laga beddelo Xeer-hoosaadka Golahaasi, waxaanu Guddoomiyuhu Xildhibaannada doodda golahaasi buuqa abuurtay ka qayb-qaatay ku eedeeyay inay ka gaabiyeen waajibaadkoodii ahaa ka shaqaynta nabadgalyada, isla-markaana Xilligan oo ahayd inay u guntadaan nabadaynta deegaannada colaaddu ka jirto ay buuq ka dhex abuurayaan Golaha.

Guddoomiyaha oo ka hal-celinaya buuqa iyo eedaha loo soo jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Muranka Maanta taagan ee qaybinta Qaranka ee Golahan ka yeedhayaa ma Caafimaad qabo.”

Guddoomiyaha Guurtidu waxa kale oo uu sheegay “Dhowr iyo toban meelood ayaa qiiq iyo nabadgalyo xumo inagaga baxaysaa, ma maanta ayaad Golaha dhexdiisa dagaal iyo muran keenaysaan..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Markaa waajibku wuxuu noqonayaa in Madaxweynaha loo gudbiyo (Qoraal) oo la yidhaahdo ha lana kala diro (Guurtida) kama adkin hawshee..”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.