WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland March 3, 2016 (Saxafi) – Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in sababta loo xidhay madax dhaqameedka gobolka Saaxil ay tahay inay damiin ka ahaayeen kooxdaasi taliyaha dilkiisa ku eedaysan in aanay fal dambe samayn doonin.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay taliyaha qaybta gobolka Saaxil ee lagu dilay tuulada biyooley ee gobolka Saaxil, waxaanu ka tacsiyadeeyey eheladii iyo shacabka Somaliland ee uu k baxay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa aan maanta (shalay) ka hadlayaa dhacdadii doraad ka dhacday gobolka Saaxil gaar ahaan tuulada biyooley, marka hore waxaan tacsi tiiranlo leh u dirayaa ehaladii qaaraabadii iyo ciidamada booliska ee uu ka baxay geesigii dalkiisa u halgamayay. Taliyihii gobolka Saaxil waxaan leeyahay Ilaahay samir iyo imaan haynaga wada siiyo, waxana alle uga baryayaa inuu ilaahay janooyinkiisa uu galiyo qabrigana u waasiciyo su’aalahana u fudueeyo. Waxa marxuunka dishay gacan ka gardaran oo danbiile ah, waxaana uu u dhintay qaranka Somaliland isagoo hawshiisa gudanaya, horena way u dhacday dibna way u dhici doontaa qaar badan oo u dhinta umaddan Somaliland iyo masiirkeeda iyo nabadgaliyadeeda. Waxa uu ahaa sarkaal hawshiisa Qaran ka adag waajibkii Qarana fulinaya, danbiilayaasha dambigaa galayna waxay ay uu talaa qaranka jamhuuriyadda Somaliland anagana ka masuula anagaana gacan bira ku qabanyna cidii ka danbeysay iyo cidii ku taakulaysay iyo kuwa danbiga galayba. Waana balan inaan sharciga la horkeeno oo wajibkooda la mariyo iyaga iyo kuwa isku dayi doona inay dalka fadqalalo ka bilaabaan. Aad iyo aadbaanan uga xunahay arinkaa dhacay. ” Sidaa ayu yidhi Wasiir Waran Cadde.
Wasiir Cali Warancadde waxa uu kale uu ka jawaabay su’alo ay qaar ka mid ahi warbaahinta dalka ka waydiiyeen xadhiga salaadin la sheegay in habeen hore laga soo xidh-xidhay magalooyinka Berbera iyo Hargeysa ee gobolada Maroodi Jeex iyo Saaxil islamarkana ay ku xidhan yihiin magaalada Hargeysa ayuu kaga jawaabay wasiirku inay iyagu damiin ka ahaayeen dadkan weerarka loo aanaynayo waxaana uu yidhi “Salaadiinta waxa loo xidhay waxa jirtay mar ay inamadani ay danbi sameeyeen odayaashii damiintay ee balan qaaday inaanay inamadaasi wax danbe samaynayn oo ay bulshadooda kusoo noqon doonaan bay ahaayeen, markaa waxay kasoo bixi waayeen balantii ay qaadeen sidaasaan ku xidhay salaadinta iyo cuqaasha. ”
Dhanka kale, gudomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani ahna gudomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa dhankiisa ka hadlay dilkii taliyaha qaybta booiska gobolka Saaxil, waxana uu baaq nabadeed uu direy shacbiga gobolka Saaxil ay nabadgalyadooda ilaashadan, islamarkaana iyo wada jirkooda, waxana uu hadalkiisu uu dhigna sidan “Waxa aan shacbiga gobolka aan ka soo jeedo ee Saaxil guud ahaan ugu baaqayaa inay nabadgalyada ilaaliyaan, maadaama aanu ku jirno hawlo qaran oo diwaangelin aanu ku jirno. Masuuliyinta nabadgalyada dee xukumada ayay saraan tahay waxana aan rajeenaya in xukumadu xilkeeda in ay sugto amaanka ay ka soo baxdo oo la xaasiliyo, waxana ilahay ka rajeenaya in arrintaasi soo afg’anto oo aanay hawlahaasi oo dhan aanay wax samayn ah ku yeelanin ilaahay ka dhigo shacbiguna walaaltinimadoda iyo amaankooda ay ilaalashadan. ”
Wararka aanu ka helayno magaalada Berbera gaar ahaan gobolka Saaxil in la isku afgartay qoyska taliye Cabdirisaaq Yusuf Maxamud Casayre iyo odayaashiisii in maydka marxuumka la aaso.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.