WorldRemitAds
London, UK March 3, 2016 (Saxafi) – Maxkamada ku taal dalka Ingiriiska oo dhagaysaneysay dacwad u dhaxaysa dowladda Jibuuti iyo ganacsade Cabdiraxmaan Boorre ayaa la soo afjaray, islamarkaana waxaa maxkamadu shaaca ka qaaday inay wax danbi ah ku weyday ganacsade Boore oo dawladda Djibouti ashkataysay.

Dacwadan ayaa socotay muddo 6 sanadood ahayd, kuna jirtay maxkamad lagu magacaabo London High Courts.
Maxkamaddu waxaa ay tilmaantay inay wax danbi ah ku weyday Ganacsadde Boore oo lagu eedeeyay musuqmaasuq, Lunsi hantiyeed iyo Laaluush waqti uu ahaa agaasimaha guud ee dekedaha Djibouti, xili uu dib u dhis ku socday. Islamarkaana xidhiidh saaxiibtinimo oo dhawi ka dhaxeeyay Madaxweynaha Djibouti. “Waa guul weyn, guul aad u weyn oo anigu aan raali ka ahay. Eedihii la igu eedeeyey oo dhan waa laygu waayay dhammaan, iyadoo tirada eedaymaha laygu eedeeyay ay ahaayeen 23 kiis. ” Sidaana waxa yidhi ganacsade Cabdiraxman Boreh oo uu waramayay wakalada wararka RFI.
Ganacsade Cabdiraxmaan Boreh oo sita laba jinsiyaadood oo kala ah Jabuuti iyo Faransis ayaa u fududeeyay in dekadaha Jabuuti dib u habayn lagu sameeyo, sida haamaha kaydka shidaalka iyo terminaalka kontaynarada, waxa kale oo uu Cabdiraxmaan Boreh ku guulaystay wakhtigaa in ay maalgashi calaami ah ka hesho shirkada Dubai World Port oo ka soo jeeda dalka isu-taga Imaaraadka Carabta, waxaana uu madaxweyne Ismaacil Cumar Geele u magacaabay madaxa wakaalada dekadaha. Boorama waxaa uu ku dooday in xidhiidhka isaga iyo madaxtooyadu xumaaday, ka dib markii laga dalbaday inuu faa’iidada badh ka keeno, taasna uu diiday.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.