WorldRemitAds
Boorama, Somaliland, March 3, 2016, (Saxafi) – Guddiga Golaha Wakiillada u qaabilsan arrimaha gudaha iyo amniga ayaa shalay Boorama kulan wada tashi ah kula yeeshay hogaamiye dhaqameedyada Gobolka Awdal.

Kulankan oo saxaafaddu debedda ka joogtay ayaa badhsaabka gobolka iyo maayarka Boorama ku sheegeen inuu ahaa mid wada tashi ah fikarado kala duwanna lagaga soo jeedinayo meel-marinta xeerka qabyo qoraalka ah ee doorashooyinka xildhibaanada Golaha wakiillada iyo arrimo kale.
Madaxdhaqameedyadan iyo guddiga Golaha wakiillada u qaabilsan arrimaha amniga ayaa markii ay ka soo dareereen kulankaasi saxaafadda u sheegay in kulankoodaasi ku dhammaaday guul iyo isafgarad labada dhinacna raalli ka ahaayeen sidii aaraa’daasi la isku weydaarsaday, in kastoo goor dambe mid ka mid ah madaxdhaqameedyadaasi uu saxaafadda u sheegay in kulankan lagaga wada hadlay arrimo khuseeya saami qaybsiga gobolada dalka ee 82-ka xubnood ee Golaha wakiiladu ka koobanyahay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.