WorldRemitAds
“Miisaaniyadda 2016 waxay ka badan tahay 13% Tii 2015, sidoo kale haddii la barbardhigo Miisaaniyadii 2010 waxay miisaaniyaddani dheertahay 332%”
Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Maaliyadda Somaliland
Hargeysa, Somaliland, December 07, 2015, (Saxafi) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa golaha Wakiillada khudbad ay ka jeedisay ku sharaxday odoroska Miisaanadda sanadka 2016.

Marwo Samsam waxaa ay marka koowaad sharaxday qaybaha Miisaaniyadda, waxay tidhi. “Miisaaniyadda 2016 waxay ka kooban tahay Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Miisaaniyadda Hay’adaha Madaxa banaan ee Dawladda, Miisaaniyadda Dawladaha Hoose iyo Miisaaniyada Sanduuqa horumarinta Somaliland ee ay maalgeliyaan wadamada Qaadhaan-bixiyeyaashu (Somaliland Development fund) iyo Miisaaniyadda Mashruuca Maamul daadejinta Dawladda Hoose (JPLG). Sidoo kale waxa la socda Siyaasadii Miisaaniyadda 2016 ee ay soo diyaariyeen gudidii siyaasada miisaaniyada qaranka. Miisaaniyaddani waa Miisaaniyaddii 24 aad ee qarankan Somaliland yeesho, waxay Miisaaniyaddani ka badan tahay Miisaaniyaddii 2015 boqolkiiba saddex iyo toban (13 %).”
golaha wakiiladdaWaxa kale oo ay xustay wasiirka Maaliyadda Somaliland in sannadkan aanay jirin cashuur la kordhiyay iyo lacag la soo daabacayo toona, isla markaana ay Miisaaniyadda sannadkan ay ku jiraan mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin dhismaha waddooyinka, garoomo ciyaareed oo la dhisayo iyo kuwa la dayactirayo, iyo hay’ado cusub oo bulshada rayidka ah ka mid ah oo iyagana miisaaniyad loo sameeyay.
Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ka hadlay korodhka miisaaniyadda 2016 iyo waxa ay ku salaysan tahay, waxay tidhi: “Cashuur lama kordhin, waxa ay sannadkan ku salaysan tahay waxa uun ay dabaqaysaa in cashuuraha berriga la kordhiyo iyo in lagu talo galo. Buugga idin horyaala waxa ku jira 5 milyan oo aanu World Baanka aanu kala saxeexanay oo sanadkan cusub uun la soo daynayo iyo 7.2 oo iyana qolada ingiriiska ah ay bixinayso miisaaniyaddu intaa ayay ku fadhidaa.
saraakiisha wasaaraddaMarwo Samsam waa ay sii wadday waxaana ay tilmaantay qorshaha ay ka leeyihiin miisaaniyadda iyo waxyaabaha ay doonayaan in wax lagaga qabto, waxaana hadalkeeda ka mid ahaa. “Waa in kor loo qaada tayadaa iyo tirada Ciidanka booliska Somaliland, waa in la qoraa sanadka 2016 500 oo askari.”
Sidoo kale, muhiimada ciidamada Badda ayay ka hadashay waxaana ay tidhi, “Waxaana sanadkan lagu kordhinayaa ciidamada Badda 100 askari oo cusub.” “Waa in Miisaaniyadda 2016 ka la siiya muhiimada lana kordhiyaa gunnada garsooreyaasha 50%.”
Abaaraha ayaa iyana miisaanadda lagu xusay iyo in ceelal door ah la qodo iyo Biyo dhaamis la sameyn doono, sidoo kale waxaa lagu muujiyay in Muhiimad gaar ah la siinayo Jidadka Somaliland.
sawiradamis (6)Caafimaadka iyaddoo laga hadlayo waxaa lagu xusay miisaaniyadda in qofka dibada lagu soo daweynayo ee la isla ogolaado Madaxweyne iyo Wasaarad ugu badnaan kharashkiisu wuxu noqnayaa ugu badnaan $3000.
Waxaa kale oo lagu xusay in Qaadka iyo Sigaarka cashuur dheeraad ah la saarayo. “Waa inaan lagu cabin sigaarka meelaha dadweynaha sida hudheelada. Gaadiidka, xafiisyadda, goobaha shaqada ee dawladda Iwm.” ayay tidhi,
Hawlgabka shaqaalaha dawlada dhexe ayaa iyana loogu daray qadar le’eg intii lagu daray 2015. Sidoo kale Wasiirku waxaa ay xustay in ay dhiirigelinayaan dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Shaqo abuurka, iyaddoo muhiimad la siinayo wax soo saarka Kalluunka. Mar ay ka hadlaysay shaqaalaha ajaanibka ah waxaa ay tidhi. “Cidii   lagu qabto iyadoo shaqaalaysiisay shaqaale ajaanib ah oo aan ruqsad ka haysan Wasaaradda Shaqada waxa uu mutaysan doonaa ganaax lacageed oo dhan 700,000/= SLSH. Cidii ajaanib ah ee lagu qabto isagoo/iyadoo bilaa ruqsad uga shaqaysanaysa dalka waa la mustaafurinayaa.
wasiirad SamsamArrimaha khilaafaadka dhulka ayay sheegtay in si loo yareeyo ay doonayaan in cashuuro dheeraad ah lagu soo rogo. “Waa in Wasaaradda Maaliyaddu dib u eegis ku samayso cashuur dhaafyada ay u samayso cagafyada iyo Wershadaha, iyagoo la kaashan doonta Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Wershadaha.”
Sidoo kale, waxaa khudbada lagu xusay in qorshuhu yahay in la dhiirigeliyo wax soo saarka dalka gudihiisa. Islamarkaana cashuur dheeraad ah la saarayo dhigoodda dibada laga keeno.
Sidoo kale, Wasiirku waxa ay sheegtay in ay dhiirigelinayaan fidinta maamulka, dib u habeynta Shaqaalaha dawlada (Civil Service Reform), Dib u habeynta Cadaaladda.
Waxaa kale oo ay wasaaraddaha iyo hay’adaha madaxa banaan ku dhiirigelisay in sameeyaan maamul daadejin gaadhsiisan degmooyinka iyo goboladda dalka. “Waa in mudnaan la siiyaa ka midha dhalinta dadaalka loogu jiro sidii aqoonsi buuxa looga heli lahaa caalamka.” Ayay tidhi.
Sidoo kale, waxaa ay xustay in la sameynayo Sanduuqa Maalgashiga Horumarinta Somaliland si aynu isugu tashano oo u abaabulo hantideena 
Dawladaha hoose, wakaallada biyaha, dekeda ayay ku dhiiri gelisay sidoo kale inay kharashkooda horumarinta kaga shaqeeyaan.
Wasiirku waxaa ay xustay in sanadkan 35% ay doonayaan inay kordhiyaan cashuuraha berriga, waxana ay ka dalbatay dhamaan laamaha dawlada inay kala shaqeeyaan arrintaas.
Mar ay ka hadlaysay Dakhliga Miisaaniyadda 2016 waxaa ay tidhi
No Hay’ada SLSH Dollar
1 Dawladda Dhexe 1,218,000,000,000 203,000,000
2 Hay’adaha Madaxa-banaan 226,580,189,543 37,763,365
3 Dawladaha Hoose 189,609,406,597 31,601,568
4 Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah 109,861,212,000 18,310,202
5 Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta 27,630,234,000 4,605,039
  Grand Total 1,771,681,042,140 295,280,174
Dakhligaasina waxa uu ka imanayaa
  • Kastamada
  • Cashuuraha Berriga
  • Haamaha Shidaalka
  • Isgaadhsiinta
  • Liisamada Ganacsiga
  • Kirada guryaha Dawladda iyo iibka Hantida Dawladda sida:- dhulka, Guryaha Dawlada iyo Iskaraabka.
  • 50% kabka Dawladaha hoose
  • Macdanta
  • Kaluumaysiga
  • Beeraha
  • Kirada Maxjarada
  • Dakhliga hay’adaha Madaxa banaan
  • Dakhliga Dawladaha hoose
  • 2% ka Gobolada Bariga
  • Dakhliga fuel levy ga, road levy ga, levyga liisanka wadista Gaadiidka,levy ga horumarinta wadooyinka.
  • Deeqaha caalamiga ah ee tooska ah (Somaliland Development Fund).
Kharashka Miisaaniyadda 2016
Kharashka Dawlada dhexe waxaa saldhig u noqonaaya dakhliga oo ku tala galkiisu yahay 1,218,000,000,000 Sh.sl oo udhiganta $203,000,000.Kaasoo ka badan kii sanadkii 2010 qadar dhan $156,000,000 una dhiganta 332%.
Faahfaahinta Dakhliga Miisaaniyadda 2016
Dakhliga Miisaaniyadda 2016 wuxuu ka kooban yahay 1,771,681,042,140 una dhiganta doolar ahaan $ 295,280,174   tafaasiisheeduna waxay tahay sidan hoos ku qoran:-
No Magaca Budget 2016 Dollar
1 Dawladda Dhexe 1,218,000,000,000    203,000,000.00
2 Dekedda Berbera                        96,543,124,032      16,090,520.67
3 Baanka Dhexe                        28,750,884,871         4,791,814.15
4 Wershada Korontada Berbera                        11,823,077,220         1,970,512.87
6 Wakaaladda Biyaha Gebiley                          1,680,000,000            280,000.00
5 Wershada Korontada Hargeysa                          8,790,000,000         1,465,000.00
7 Wakaaladda Biyaha Hargeysa                        23,328,309,384         3,888,051.56
8 Wakaaladda Biyaha Burco                          9,228,989,223         1,538,164.87
9 Madbacada Qaranka                          4,480,422,713            746,737.12
10 Wasaaradda Duulista                          2,808,000,000            468,000.00
11 Wakaaladda Biyaha Berbera                          5,175,629,300            862,604.88
13 Haamaha Shiidaalka Berbera                        26,879,976,000         4,479,996.00
14 Wakaaladda Biyaha Borama                          7,091,776,800         1,181,962.80
15 Dawladaha Hoose 189,609,406,597      31,601,567.77
16 Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah                             109,861,212,000      18,310,202.00
17 Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta                               27,630,234,000         4,605,039.00
  Grand Total 1,771,681,042,140    295,280,174
  • Heerka Khasnada Dawladda ee Jan-October 2015.
Haddii aan warbixin kooban ka bixino natiijadii ka soo baxday Odoroskii Miisaaniyadda 2015, Dakhliga dhabta ah ee ina soo galay  Jan-October 2015 wuxuu noqday 990,335,783,425 oo  u dhiganta $165,055,964  halka kutalagalka dakhliga Jan-October 2015 uu ahaa  900,000,000,000/=, waxaana dheeraad ka soo baxay 90,335,783,424 oo u dhiganta $15,055,963,904 Sidoo kale waxa jira Dakhli dheeraada  oo ah 60,369,869,966 kana soo wareegay sanadkii 2013 isla markaana ku jira  dakhliga Miisaaniyadda  2015 kaas oo ku jira qasnada dawlada.
Madax xigayaasha Dakhliga Miisaaniyadda 2016
Dakhliga Miisaaniyadda 2016 wuxuu u kala baxaa sidan:-
Nooca Dakhliga Dakhli Percentage
 
Hadhaaga Khasnadda 2014   5.59
56,799,504,671
 Dakhliga Cashuuraha         955,137,575,693 73.57
Dakhliga adeega                             80,472,299,894 9.02
Dakhliga Ganaaxyadda 5,031,270,052 0.39
Dakhliga Hantida 90,559,349,690 9.02
Kabka Dawladaha Hoose 30,000,000,000 2.41
Total 1,218,000,000,000 100
Wasiirka waxaa ay xustay in hoos u dhac laga cabsi qabay in dagaalka dalka Yemen ku keeno Miisaaniyadda laga badbaaday, islamarkaana ganacsi hor leh oo wax loogu dhoofinayaa bilaabmay,
Waxaa kale oo ay xustay in sanadkan dib u habayn lagu sameynayo ururinta cashuuraha berriga, iyaddoo la kaashanayo maalgalinta DFID UK oo ku bixinaya hawshan 7.2 milyan dolar.
Waxaa kale oo ay tibaaxday in korodhka dakhliga ay ka filayaan dheeraad soo baxay sanadkan iyo mid ka soo wareegay sanadkii ka horeeyay. Waxaa kale oo ay sheegtay in dib u habaynta miisaaniyadda qaranku dhiirigelisay bulshada caalamka oo ay waqtigan kala saxeexdeen baanka Aduunka mashruuc ku kacaya $4 Milyan oo Doollar. “Intaas waxaa dheer in sanadka 2016 aanu ku rajaweynahay inaanu hirgelino nidaamka casriga ah  (SLFMIS) kaas oo isku xidhi doona dhamaan nidaamyada Maaliyadda qaranka,” Ayay tidhi, waxaana ay intas ku dartay. “Mudaneyaal waxaa xusid mudan in sanadkan aanay Miisaaniyaddeena ku jirin lacag la soo daabacayaa, iyadoo sanadihii u dambeeyey la soo dabacay lacago badan taas oo sababtay sixir barar baahsan”
Wasiirku mar ay ka hadlaysay Korodhka Miisaaniyaddan waxaa ay tidhi, “Miisaaniyaddan oo ah mid ka turjumaysa waxqabadka Dawladdan ee ku wajahan sanadka 2016 (Comprehensive Budget) ahna mid wax ku ool ah” waxaana ay tilmaantay inay xooga saareen adeegyadda bulshada guud ahaan, cadaallada iyo dhismaha qaranka iyo sidoo kale kaalmooyin ay ugu talagaleen ururo ay ku jiraan, kan saxaaafadda ee SOLJA. “Waxaa Miisaaniyadda sanadkan ku cusub saddex hayadood, kuwaas oo kala ah Ciidanka Dab demiska, Hayada Diiwaanka Zakada iyo Hayada SMAC.
Wadaagaha Kharashka Miisaaniyadda 2016:-
No Wadaagaha Miisaaniyadda 2016 Percentage
1 Maamul wanaaga 670,209,578,717 55
2 Arrimaha Bulshada 197,107,034,520 16
3 Dhaqaalaha 301,288,918,565 25
5

Kaabaayaasha Dhaqaalaha iyo khayraadka Dabiiciga

49,394,468,198 4
 

Total

SomlegalAds

1,218,000,000,000

100

Miisaaniyadda 2016 graphDhinaca kale hadaynu ka eegno kharashka Miisaaniyadda 2016 oo u qaybsama kharashka hawsha iyo shaqaalaha (salary and operational cost) iyo kharashka horumarinta waxaa miisaaniyadda 2016 horumarin ahaan ugu jira 12.4 %. Tafaasiisha qodabada kor ku xusanina waa sidan.
Miisaaniyadda 2016 graph2
Gebagebo
Mudaneyaal iyo Marwooyin, iyadoo dunida ay ka jirto dhaqaale xumo iyo dhibaatooyin farabadan oo saameeyay dawladihii horumaray ee adduunka iyo kuwa dunida saddexaad oo hoos u dhac dhaqaale iyo sixir barar badani saameeyay, dalkeenuna la qabo adduunka, haddana waxaa illaahay mahadiis ah in Miisaaniyadda dawladda dhexe ee sannadka 2016 ay ka badan tahay 13% Miisaaniyadii 2015, sidoo kale haddii la barbardhigo Miisaaniyadii 2010 oo ahayd wakhtigii xilka dawladdani la wareegtay waxay miisaaniyaddani dheertahay 332%.
Haddaba annaga oo aan waxba kala hadhayn dedaalka lagu hirgelinayo odoroska dakhliga Miisaaniyadda sannadkan 2016, waxaan ku kalsoonahay inaanu ka midha dhalin doono, idinkkuna aad gacan buuxda naga siin doontaan wixii aanu idiinka baahano insha Allaah.”
“Sidaas awgeed waxaan si sharaf leh idiinka codsanayaa ansixinta Miisaaniyadda idin hor taala ee sannadka 2016, lifaaqa wax ka bedelka tacriifada iyo siyaasadda Miisaaniyadda 2016 ee ku lifaaqan idinkoo waajibaadkiina dastuuriga ah gudanaya” ayay khudbadeeda ku soo xidhay Marwo Samsam, waxaanay marar badan ku celcelisay in Guddida Dhaqaalaha iyo Guddida Ilaalinta hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladu ay sameynta Miisaaniyaddan ku lahaayeen taladooda isla markaana ay marar badan kala fadhiisteen, wax badan ku lahaayeen sameynteeda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.