WorldRemitAds

“Saaxibaday wixii aanu ku balanay wuxuu ahaa inaanu codka meel ku wada ridno. . imikana codkaygu dhinacoodii baan ku ridayaa” Cukuse

Hargeysa, Somaliland, November 5, 2015 (Saxafi) – Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa sheegay in dad badan ku qabsadeen inuu ka hadho saaxiibaddii wasiiradda ahaa ee is wada casilay, isagoo sheegay in wakhtiga shirku furmo uu codkiisa siin doono isbahaysiga musharaxiinta ee dibad wareegga ah.

Wasiir Cukuse ayaa sidaas ka sheegay mar uu shalay ka hadlayey madal ay xilalka kula kala wareegayeen wasiirka Madaxtooyada cusub iyo kii hore, waxaanu sheegay inay la noqon wayday madaxweynihii sharfay inuu ku balanfurro.

Wasiirka Warfaafinta CukuseCukuse ayaa sheegay in ay dadweynaha soo buux dhaafiyeen Email-kiisa iyo teleefankiisaba oo la soo waydiinayo sababta uu uga hadhay musharaxiinta is bahaystay iyo masuuliyiintii iscasilay ee uu la safnaa, waxaanu sheegay inuu la safan yahay isagoo xilka haya uu haddana la socdo musharaxiinta isbahaystay, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa“Waan arkayaa dad badan baa is yidhi Cabdillaahi ma madaxtooyada ayuu ka mid ahaa, haa ka mid baan ahaa anigoo wasaarad kale jooga ayaan had iyo jeer madaxtooyada ka mid uun ahaa kana mid baan ahaan doonnaa. Waxaan doonayaa inaan wax yar ka idhaahdo shantii sanadood ee la soo dhaafay oo madaxweyne Axmed Maxame Maxamuud Siilaanyo talada dalka gacanta ku hayey, Xirsi waxa uu ahaa wasiirka madaxtooyada anigu mar waxaan ahaa afhayeenka madaxtooyada oo xaruntaan ka wada shaqeynayney, marna waxaan ahaa wasiir ku xigeen oo aan ka shaqeynayey iyo imika oo aan ahay wasiirka warfaafinta waxaanu ahayn dad saaxiib ah, dadka isugu dhow dadka had iyo jeer madaxtooyada kula sugan ayaan ka mid ahaa. Waxaan qireyaa inuu Xirsi Cali Xaaji yahay nin adag, karti badan mudada lixda sanadood ah si sharaf leh oo muuqata u soo shaqeeyay, waxa kale oo aan qirayaa inuu Maxamud Xaashi yahay nin waayo aragnimo leh lixda sanadood na ka mid ahaa xukuumaada oo waliba ahaa wasiirka Duulista, haddana lixda sanadood ba isna wuxuu ka mid ahaa buddhigayaasha madaxtoyada. Marka waa nin ka soo bixi karaa oo karti leh oo adag, waxaan filayaa inay noqoneyso in werwer ku jirin”.

SomlegalAds

Waxaanu intaas ku daray “Aniguna sidii Xirsi aan saaxiib ula ahaa ayaan Maxamud Xaashi na ula noqoneyaa, Xirsina dibada ayaanu saaxiib ku ahaanaynaa, waxa aanu la shaqeynaynaa waxa weeye Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo labadoodaba igmaday. Mid labaadna waxa aan doonayaa inaan fursadan uga faa’iidaysto, Xirsi iyo saaxibadii kale ee faraha badnaa ee xukuumada ka baxay dhamaantood waxa ay ahaayeen saaxiibaday, dabadeedna su’aalaha ugu badan ee Emailkayga buuxiyay ee telefoonkayguna la’igu badiyay. Waxa weeye saaxiibada maxaad uga hadhay? Waxaan doonaya inaan idiin cadeeyo saaxiibaday, wixii aanu ku balanay wuxuu ahaa inaanu codka meel ku wada ridno, marka shirka golaha dhexe la wada gaadho ee murashaxiintu ay soo baxdo, imikana codkaygu dhinacoodii baan ku ridayaa. Laakiin, waxa aan la shaqeyanayaa Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo inta uu xilka hayo. Axmed Siilaanyo aniga wuu i magacaabay oo wuu I sharfay isagaana xaqa u leh inuu I magacaabo, waxa kale oo uu xaq u leeyahay in uu xilka iga qaado labadaba isagaa xaq u leh, anigu xaqa aan lahaa inan xilka uga tago Axmed Siilaanyo waan kala xishooday. ”

Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse ayaa wakhtigii ay wasiirada badani is casilayeen goob joog ku ahaa madashii ay ku shaaciyeen, isla markaana isagu ka muquurtay inuu is casilo, waxaanu goobtii ay isku casilayeen ka sheegay in xaalad adagi jirto, isla markaana loo baahan yahay in la iskaga dab qaado oo hadba ninka duda la ladqabeeyo.

Halkan hoose ka daawo:

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.