WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 5, 2015 (Saxafi) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha SomaliandCali Maxamed Waran-cadde, ayaa shalay Xilalkii wasaaraddaas u kala wareejiyay Wasiir Ku-Xigeenaddii Amniga Iyo Maamulka Goboladda Iyo Degmooyinka oo kala ahaa Axmed Caddare Faarax Caddare oo hadda laga dhigay Wasiirka Cadaaladda Iyo arrimaha Garsoorka Iyo Badhasaabkii Hore ee Gobolka Togdheer Axmed Muuse Diiriye oo hadda noqday Wasiir Ku-Xigeenka dhinaca Amniga ee Wasaaradda arrimaha Gudaha.

8Waxa Kale oo Xilalkii loo kala wareejiyay Cabdi Daahir Camuud oo ahaa Wasiir Ku-Xigeenka Maamulka Degmooyinka Iyo Goboladda oo hadda laga dhigay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Shaqadda iyo arrimaha Bulshadda, waxaanu Xilkii ku wareejiyay Jaamac Biin oo uu Madaxweyne Siilaanyo xilkaas usoo magacaabay.

Wasiirka arrimaha gudaha oo hadal dhinacyo badan taabanaya halkaas ka jeediyay, ayaa si weyn ugi mahad-naqay Labbadda Masuul ee Wasaaradda Sagootiyay, waxaana uu ku majiirtay inay ahaayeen Masuuliyiin shaqo badan, kuwaas oo ka go’nayday sidii ay qarankooda ugu adeeggi lahaayeen, waxaanu u rajeeyay inay Wasaarradda kale ee ay ka hawl-gali doonaan ay si wanaagsan uga shaqayn doonaan, waxaana uu Wasiirku soo dhaweeyay Masuuliyiinta cusub, kuwaas oo uu sheegay inay gacmo furan iyo shaqadda Wasaaradda ee Wakhtiga badan u baahan kusoo dhawaadaan.

SomlegalAds

13Wasiir Waran Cade ayaa sheegay in shaqadda badan ee wasaaradu sababtay inay wasaaradaha kale ka shaqo bataan, isla markaana shaqeyaan hadh iyo habeen, waxaanu xusay in wasiirada ku xigeenada u ahaa u dallaceen wasiiro ka dib markii shaqadoodii hore ka soo baxeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.