WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 22, 2015 (Saxafi) – La-taliyaha laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf, ayaa sheegay inay hawlgalo ay sameeyeen ku ogaadeen dad sifaha sharci ee ay dalka ku soo galeen hawlo ka duwan wadanka ka haya.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay gacanta ku dhigeen dad si sharci darro ah dalka u dhexmarayay iyo ku haystay ganacsi sharci darro ah.

Ugu horeyn Taliyaha laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay inay wax ka qabtaan isoo galaytiga wadanka iska soo galla iyo kuwo tahriibayaba.

SomlegalAds

Taliyaha_Laanta_Socdaalka_SomalilandTaliyaha oo u waramayey HCTV waxa uu yidhi “Shaqadayadu waa laba qodob inay sugaan socotada dalka iyo sifaha uu ku yimid, iyo wakhtiga uu dalka ku soo galay inuu ka dhamaaday iyo kale, hadii uu ka dhacay waa inuu xarunta yimaadaa si loogu kordhiyo mudadda joogitaankiisa, waxa jira muwaadiniiin reer Somaliland ah oo soo kaxeeya dad ajaanib ah oo arrimo shaqo u soo kaxaysta iyagoo masuuliyadoodda qaada dadkaasi”. Waxaa uu sheegay in marar kala duwan dadkaasi ay kala tagaan iyagoo is fahmi waayay darteed.

Mar kale isagoo uga digay hoteeladda la seexdo in dad aan aqoonsi sidan seexdaan hoteeladooda waxa uu yidhi: “Waxaan leeyahay hoteelada waa in aanay hoteelka ka kireyn qof aan haysan dhokomantiisa, waanan baadhi doonaa, waxa kale oo aanu xuduudaha ka xidhnay dadka tahriibayaasha ah ee xuduudaha iskaga talaaba”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.