WorldRemitAds

Djibouti, January 7, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo booqasho ku tegay dalka Djibouti, ayaa lagu soo dhaweeyay meeqaam ka duwan soo-dhaweyntii ay Wufuudda Somaliland hore ugala kulmi jireen Madaxda dalka Djibouti, iyadoo Madaxweyne dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle uu Qolka nasashada ee Madaarka Djibouti ku sugayay, isla markaana markii Madaweynuhu halkaas gaadhay si diiran ugu soo dhaweeyay.

War ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland ayaa intaa ku daray oo lagu yidhi. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo si heer caalami ah, meeqaamkeeduna sareeyo loogu soo dhaweeyey dalka Djibouti, markii ay gaadheen madaarka diyaaraha ee dalkaasi, oo ay ku sugayaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubno ka mida golihiisa wasiiradu.

SomlegalAds

Markii ay soo cagadhigatay diyaaradii siday weftiga madaxweynaha Somaliland oo iyadu ahayd diyaarad khaas ah oo madaxweynaha Somaliland ka qaatay madaarka Cigaal International Airport, geysayna madaarka Djibouti, iyadoo ay madaxweynaha ku hoos sugayaan diyaarada wasiirada Arrimaha dibeda iyo wasiirka maaliyada ee Djibouti iyo buxno kale oo ka mida dawladda Djibouti oo uu wehelinaayey safiirka Somaliland u fadhiya Dalkaasi.

Madaxweynuhu waxa uu salaan ka qaatay ciidamada dalka Djibouti ka dibna waxa loo sii gelbiyey dhinaca qolka nasashada (VIP)-da oo uu ku sugayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

 Madaxweyne Geelle oo isagu marti-qaadka u fidiyey Madaxweyne Muuse Biixi si balaadhana u qaabiley una soo dhaweeyey dhigiisa Somaliland ayaa qadar nasasho ah ka dib Madaxweynaha iyo weftigiisa u gelbiyey Hotel Kempinski oo ay weftigu ka degan yihiin.

Waxaana la filayaa in uu maalinta beri ah (Maanta) si rasmi ah u qabsoomi doono kulanka labada madaxweyne ay yeelan doonnaan, kaasi oo noqon doona mid lagu soo qaado lagagana wada hadlo danaha labada dal iyo ta geeskaba.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.