WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 22, 2015 (Saxafi) – Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo madaxda Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa dhagax-dhigay dhismaha xarunta biyo-tuurka (pumping station) ugu wayn ee biyo-soo-saarka Geed-deeble shalay, kaas oo noqonaya wejigii u dambeeyay ee shaqadiisa la gudo galo mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa ee ay maalgaliyeen Midowga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).

Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Khayraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac iyo Qorshaynta Qaranka Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) oo ay wehelinayeen Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis iyo masuuliyiin ka socday hay’adda UN-HABITAT oo fulinaysa mashruucan, ayaa socdaal kormeer ay ku samaynayeen shaqada dhigista dhuumaha ama beebka cusub ee lagu beddelayo kii hore ee biyaha lagu isticmaalo Hargeysa oo hadda la dhammaystiray 11KM oo ka mid ah masaafo 23KM u dhaxaysa Hargeysa iyo Geed-deeble, iyagoo halkaasna ka soo dhagax-dhigay dhismaha saldhig biyo-soo-tuur ka wayn kii hore oo kulmin doona biyaha ceelal cusub oo laga qoday dooxa Horra-haadlay iyo kuwii hore ee degaanka Geed-deeble, kaas oo hirgelintiisa ay ku guulaysatay shirkad waddani ah oo la yidhaa Caalami.
Wejigii u dambeeyay ee Biyo gelinta HargeysaMaareeyaha Wakaaladda Biyaha Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis oo warbixin ku siiyey wasiirrada goobta kaydka ee ay yaalaan qalabka biyo-ballaadhinta mashruuca ee Waqooyiga Hargeysa, waxa uu sheegay in barmaamijkani meel fiican marayo oo shaqooyinkiisu isugu jiraan wax dhammaaday iyo wax socda, isla markaana qodista iyo dhigista beebka cusub la dhammeeyey kala badh, lana soo gaadhsiiyey magaalada cidhifkeeda Waqooyi. Waxa kaloo uu uga warbixiyey masuuliyiinta shaqada ay hayaan iyo xaaladda xarumaha biyo-soo-tuurka hadda la isticmaalo ee ku kala yaal Biyo Shiinaha iyo Geed-deeble oo mid mid ay u dhex galeen dhismayaasha ay yaalaan mashiinnada iyo qalabka kale ee isku rakiban.
Dhinaca kale, xaflad kooban oo lagu qabtay goobta laga dhisayo saldhigga biyo-tuurka cusub ee Geed-deeble oo ka sakow ay masuuliyiinta dawladda iyo wakiillada wehelinayey ay ka qaybgaleen waxgaradka deegaanku, ayaa lagaga hadlay hawsha mashruucan iyo waxtarka uu bulshada u leeyahay. Waxaanna Guddoomiyaha degmada Daarasalaam Mr. Maxamed Axmed Kibaar iyo madaxa tuulada Geed-deeble oo halkaas ka hadlay ay soo dhaweeyeen masuuliyiinta iyo mashruucan oo ay sheegeen in inkastoo shaqadiisu saamayn ku yeelatay hanti badan oo beero iyo guryo dadka deegaanku leeyihiin ay haddana diyaar u yihiin hirgelintiisa si biyo ku filan loogu helo caasimadda Hargeysa, balse ay ka codsadeen dawladda in wax lagala qabto adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka oo ay si wayn uga cabanayaan.
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ibraahim Siyaad, ayaa isna ka warramay kaamkan la dhagax-dhigay iyo shaqada mashruuca, waxaannu yidhi, “Kaamkan cusub ee biyo-soo-tuurka waxa uu ka kooban yahay berkad wayn oo biyuhu ku dhacayaan iyo dhismayaashii la dhigayey mashiinnada iyo bamamka tuuraya biyaha, waana Ilaahay mahaddii ah inay shaqadani tahay qaybtii ugu dambaysay mashruuca ay maalgalintiisa bixiyeen Midowga Yurub iyo SDF ee shaqadiisa la bilaabo, waxaanna hore u dhammaaday qodista ceelashii biyaha ee Hora-haadlay, soo iibintii iyo rarkii beebka iyo qalakiisa kale, qodista iyo dhigista beebka oo hadda ilaa kala badh maraya. Runtiina mashruucan biyo-ballaadhinta Hargeysa waa ka ugu ballaadhan ee Somaliland ka socda marka loo eego dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba, waa mashruuc aad u adag fulintiisu, waayo waad garan kartaa dhigista beeb cabirkiisu yahay 600MM la soo dhigayo dhul dhererkiisu yahay 23KM oo leh buuro, dooxyo iyo dhagxaan aad u adag oo weliba la ilaaliyo sinnaanta cabbirkiisa iyo cadaadiskiisa (pressure), waa hawl aad u dhib badan, waxaanna tayada shaqadan ilaalinaysa shirkad Jarmal ah oo hawl-wadeennadeedu mar walba dultaagan yihiin.”
“Ceelasha biyaha ee Hora-haadlay laga qoday iyo 14 ceel oo hore uga qodnaa Geed-deeble oo sagaal ama toban shaqeeyaan inta kalena meel biyaha la mariyo ayaa la la’aa, laakiin marka mashruucani dhammaado 14 ceel oo la wada istaadho ayaa biyo fiican laga heli doonaa oo Hargeysa waxay soo gaadhi doona 24 milyan oo litir oo biyo ah maalintii, halka iminka ay ka hesho 9 ama 10 milyan,” ayuu yidhi Maareeyuhu.
Wasiirrada Wasaaradaha Khayraadka Biyaha iyo Qorshaynta Qaranka – Baashe Cali Jaamac iyo Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe) oo iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey waxqabadka iyo horumarka mashruucu sameeyey muddadii uu socday, isla markaana waxay tibaaxeen inuu wax badan ka beddeli doono biyo yaraanta ka jirta caasimadda waqtigan.
Ugu dambayn Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ku tilmaamay mashruucan mid hirgalay oo ku dhammaanaya waqtigii loogu talogalay marka la eego sida shaqadiisu u socoto, isagoo ku ammaanay Maareeyaha iyo shaqaalaha Wakaaladda Biyaha iyo hay’adaha kale ee la shaqaynaya.
“Waa mashruuc culus oo xambaarsan faa’iido aad u ballaadhan oo Qaran, waana ballanqaadkii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ku galay ololaha doorashada oo ahaa wax aan been ahayn, waa arrin nasiib u ah dadweynaha ku nool Hargeysa oo tiradoodu tahay ilaa hal milyan iyo saddex boqol oo kun. Mashuurcan waxa ku baxaya lacag ilaa 54 milyan oo dollar ah oo dhammaantood shaqo rasmi ah lagu qabanayo, taas oo badankeeda ay kala bixiyeen Midowga Yurub iyo SDF, waa mashruuca ugu baaxadda wayn ee beesha caalamku innaga maalgalisay 25 ka sanno ee aynu xorta ahayn, waxaanna runtii dhiirrigeliyey sida loo maamulay iyo sida xukuumadda Somaliland u diyaarisay,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi, isagoo intaa ku daray in xukuumad ahaan ay hoos u eegi doonaan cabashada bulshada deegaanka Geed-deeble.
Dhammaan masuuliyiinta xukuumaddu waxay u mahaceliyeen maalgaliyayaasha mashruucan, gaar ahaan Midowga Yurub iyo SDF iyo weliba dadka deegaannada laga fuliyo mashruuca taageerada iyo gacanta siiyeen hirgelintiisa.
SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.