WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 14. 2017, (Saxafi) – Wefti balaadhan oo ka socda beesha caalamka iyo dalalka jaarka ayaa shalay ka soo qayb galay xafladda caleemo saarka, xil wareejinta iyo dhaarinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay munaasibada ka jeediyeen kelmado ay ku cabirayeen siday u arkaan dimuquraadiyada Somailand ka hana qaaday intii ay Somaliland la soo noqotay xorrimadeeda, iyo hanaanka quruxda badan ee ay ku dhawaysto doorashooyinkooda xorta iyo xalaasha ah ee aan weli ka dhicin Geeska Afrika iyo qaybo ka mida caalamka.

Waxaana halkaas ka hadlay Wasiirka gaadiidka ee dawladda Fadaraalka Itoobiya, Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Jabuuti, xubin ka socotay Barlamaanka Kiiniya, safiirada midawga yurub, ingiriiska, Holland, iyo  Sweden u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaana ka mid ahaa hadaladooda:

SomlegalAds

Wasiirka gaadiidka dawladda Fadaraalka Itoobiya Mudane Axmed Shire oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxa maanta (Shalay) sharaf ii ah aniga oo shacabka Itoobiya iyo dawladda Federaalka, weftiga balaadhan iyo weftiga dawlad deegaanka Soomaalida aniga oo metalaya in aan xafladan qaaliga ah ee taariikheed ee xil-wareejinta iyo caleemo saarka Madaxweyne Muuse Biixi, waxaan u hambalyeynayaa dhammaan shacabka Somaliland sida quruxda badan ee wanaagsan ee aad doorashada u gasheen iyo najiitada fiican ee aad ka soo muujiseen, taas oo caalamka oo dhan uu u riyaaqay inaad tihiin tusaale dimuquraadiyadeed ee gobolkeena. Waxa kale oo aan u hambalyeynaaa Madaxweynaha xilka wareejinaya Axmed Maxamed Siilaanyo oo run ahaantii shaqo badan oo ballaadhan ka qayb-qaatay Somaliland, iyo iskaashiga Somaliland iyo dawladda federaalka Itoobiya iyo isku xidhka labada shacab, shaqooyin badan ayaa noo qabsoomay intii Madaxweyne Silaanyo xilka hayey.”

Xildhibaan Safiya Cabdi Nuur oo ka tirsan Barlamaanka Kiiniya sidoo kalena hogaaminaysay weftigii ka socday dalka Kiiniya oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa tidhi “ Hambalyo, hambalyo ummadda Somaliland, Hambalyo Madaxweynaha la doortay, hambalyo Madaxweyne Siilaanyo, aniga oo ku hadlaya codka gabadhii ugu horaysay ee Kiiniya loo doorto barlamaanka, salaan toos ah ayaan ka wadaa hogaamiyaha aqlabiyada barlamaanka Kiiniya, wuxuu noo soo diray in aan u soo hambalyeyno Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynaha cusub Muuse Biixi.”

Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cali Xasan Bahdoon ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Mudane Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaan jecelahay in aan idin hambalyeeyo aniga oo ku hadlaya magaca weftiga ballaadhan ee aan hoggaaminayo oo ka kooban, wasiiro, xildhibaano, maal-qabeeno iyo dad badan oo reer Jabuuti ah oo u yimid inay u hambalyeeyaan walaaladood, waxa aynu nahay dad mid ah waxa aannu ku farax-sanahay sida naloo soo dhaweeyey markii aannu nimid, sharaf gaar ah ayey noo tahay meeshan aannu joognaa, hambalyo iyo salaan ayaannu ka sidnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, marwada koowaad iyo ummadda Jabuuti ayaanu idin soo gaadhsiinaynaa, waxaanu isu haysanaa dad dalkoodii jooga, abityaashood, walaaladood iyo ehelkoodii la jooga ayaanu isu haysanaa, hambalyo ayaan gaadhsiinayaa ummadda Somaliland sidii quruxda badnayd ee ay u soo galeen kaambaynkii, sidii ay u soo shaqeeyeen iyo sidii ay u soo dadalaaleen, hambalyo ayaannu leenahay sida aad u shaqayseen iyo halka aad gaadheen duco iyo salaam ayaanu idiin sidnay.”

Dhinaca kale waxa halkaasi ka hadlay Ugu horeyn safiirada Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Veronique Lorenzo oo ka hadashay xaflada ayaa Jamhuuriyada Soomaliland ku amaantay dimuqraadiyada Qaan-gaadhay iyo qaabkii Afrika ugubka ku ahayd ee ay u qabsoontay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 13 November. Waxay tidhi iyadoo ka hadlaysay arrimahaas. “Sharaf ayay noo  tahay in lanagu soo casuumo munaasibadan uu xilka kula wareegayo madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi, waxaan hambalyaynayaa Soomaliland iyo dadkeeda ee dhamaystirka nabada iyo sida xalaasha ah u dhacday doorashadii madaxtooyada Somaliland ee qabsoontay 13 bishii November.”

Sidoo kale safiiradu waxay Somaliland ku amaantay hanaankan dimuqraadiyada ah ee ay ku dhacday doorashadii madaxtooyadu. “Doorashadani waxay muujisay Qaangaadhnimada nidaamka  iyo axsaabta ee guud ahaan Soomaliland, waxay muujisay  tusaale ay ku faani karto Soomaalida ku dhaqan guud ahaan dunidu.”

Waxa sidoo kale munaasibada ka hadlay safiirka UK u qaabilsan Somaliland iyo Somalia David Concar, waxaanu yidhi ‘’Sharaf ayay ii tahay in aan imaado halkan anigoo metelaya waddanka Ingiriiska sidoo kalena aan la dabaal dego  balanqaadkii ay muujiyeen dadka guud ahaan Somaliland ee  dimuqraadiyada waxaan jeclahay in aan ku hambalyeeyo madaxweyne Biixi sidoo kalena waxaan hambalyaynayaa hoggaamiyeyaasha mucaaridka aqbalaada ay aqbaleen doorashada.’

Waxa isna ka hadlay xafladda safiirka waddanka Holland u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Frans Makken wuxuu qiray in doorashadii Somaliland ay u dhacday qaab xor iyo xalaal ah. “Dawlada Holland waxay kugu hambalyaynaysaa doorashadaa mudane Biixi iyo guusha aad ka soo hoysay doorashadii Somaliland sidoo kale waxaanu hambalyaynaynaa shacabka Soomaliland  ee Qaabka nabada ahi ugu dhacday doorashadii ay galeen.”

“Waxa kale oo aanu hambalyaynaynaa doorkiisii wacnaa ee madaxweyne Siilaanyo, waxaanu kafilaynaa madaxweynaha la doortay inuu halkii ka sii qaadi doono hawlihii uu waday madaxweyne Siilaanyo waana aanu kugu garab taaganahay .”

Safiirka waddanka Sweden u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Andreas von Uexküll oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi “Mudane madaxweyne waxaan kugu hambalyaynayaa inaad igu soo casuuntay munaasibada sidoo kale waxaan kaaga mahadcelinayaa wakhtigaagii fiicnaa waana kugu hambalyaynayaa waxaana kuu rajaynayaa wakhti fiican iyo nasasho wacan, madaxweynaha la doortay isna waxaan ku hambalyaynayaa guusha uu ka soo hooyay doorashada waxaanan kuu rajaynayaa guul mudada aad xilka hayso.”

Dawladda Sweden waxay sii wadi doontaa ka qayb qaadashada kaabayaasha dhaqaale iyo horumarineed ee Soomaliland ay siiso .”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.