WorldRemitAds
Xaaska amiirka dhaxal sugaha boqortooyada Ingiriiska Duchess of Cornwall Camilla ayaa labo cisho ka hor booqatay, xabsiga Brixton ee dalka Ingiriiska, kaas oo ka mid ah xabsiyada sida wayn loo ilaaliyo ee dalkeeda.

Xaaska Dhaxal Sugaha Ingiriiska oo Maxbuus casuumtaySida ay ku warantay jariirada Daily Mail, Amiiradan u dhaxday dhaxal sugaha dalka Ingiriiska ayaa kulamo kala duwan la yeelatay, maxaabiista danbiilayaasha ah ee xabsigaas ku xidhan, waxaanay mid mid ula kulantay, danbiilayaashii tababarada dhaqan celinta ah ku jiray, kuwaas oo wada sheekaysi dheer oo ay la qaadatay ka dib, ay casuumad gaar ah u fidisay mid kamid ah danbiilayaasha xabsigaas ku jiray.
Danbiile Darren, oo 41-jir da’diisu tahay ayaa marti qaad rasmi ah ka helay xaaska amiirka dhaxal sugaha dalka Ingiriiska Prince Charles, waxaanu ninkan oo danbiyo badan oo uu galay awgeed xabsiga ugu jiraa, sheegay inuu guri boqortooyada ee dalka Ingiriiska renjiyayn doono oo uu bilaash ku qurxin doono.
Sida uu Darren warbaahintu sheegay, xaaska Prince Charles ayaa xaaladiisa nololeed ka waraysatay waxaanu u sheegay inuu xirfado kala duwan bartay oo ka aflaxay xabsiga, suura galna ay u noqon doonto marka uu xoriyadiisa dib u helo inuu xirfadaha la baray ku xoogsado, danbiyadii iyo xumaantiina uu iska dayn doono.
Markii aan uga waramay inaan toobad keenay oo aanan mar danbe dambi ka geli doonin bulshada ayay Amiirada Duchess of Cornwall ee Camilla, casuumad gaar ah ii fidisay, waxaanay iga ogolaatay inaan renji iyo qurxin bilaash ah ku sameeyo gurigeeda, taas oo farxad wayn aniga iigu fadhida, rejo wayna aan ku qabo inaan la kulmo amir Charles oo haddii fursadaasi I dhacdo farxad iyo rejo wayn oo noloshayda badasha ay noqon doonto, sidaa waxa yidhi Danbiile Darren oo 41-jir ah, kana mid ah maxaabiista xabsiga Brixton ee dalka Britain.
Xaaska dhaxal sugaha boqortooyada Ingiriiska Camilla ayaa intii ay booqashadeeda xabsiga Brixton ku guda jirtay, kormeertay warshadaha farsamada gacanta ee xabsiga, ugu danbayntiina waxa ay la qadaysay maxaabiista oo casuumad sharafeed ugu sameeyay hudheelka xabsiga gudihiisa ee maxaabiistu maamusho.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.