WorldRemitAds
Buuhoodle, Somaliland, February 14, 2016 (Saxafi) – Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-Toosiye, ayaa sheegay in dagaal-ooge Cali Khaliif Galaydh ka cararay Buuhoodle, isla markaana aanay dib u ogolaanaynin inuu dib ugu soo laabto, isagoo dhinaca kalena tacsi u diray dad xoolo dhaqato ah oo habeenimadii Sabtida ay ilaalada nabad diidka Cali Khaliif ku dileen Deegaanka Carro-weyn oo ku taal nawaaxiga Buuhoodle.

Wasiirka Caafimaadka oo magaalada Buuhoodle kula hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda ammaanka ee Buuhoodle, balse waxa uu ugu horayn tacsi u diray dhamaan shacabka Somaliland, gaar ahaana ehelada  dadka falkaasi ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay, waxaana hadaladii wasiirka ka mid ahaa: ‘Waxa aan halkan tacsi Uga dirayaa ehelada  dadkii shalay waxyeeladu  ka soo gaadhay falkii maato-dooxa ahaa ee uu gaystay Cali Khaliif Galaydh, waxaan Illaahay uga baryayaa inuu janadii ka waraabiyo intooda dhimatay intoodana dhaawacantayna uu caafimaad sareecan ah siiyo’
Dr Saleebaan Ciise waxa uu sharaxay qaabkii uu Cali Khaliif u fuliyey falkaasi dadka lagu laayey oo wasiirku ku tilmaamay mid fulaynimo ah, waxana uu yidhi sidan: ‘Waxaan cambaaraynayaa falkaa waxashnimada ah ee fulaynimada ah ee bani’aadanimada ka baxsan ee uu ku kacay ninkaa dagaal oogaha ah ee Cali Khaliif oo muddooyinkii u dambeeyey  colaad ka hurinayey meelo ka mid ah Gobolkan, isagoo muddo toban cisho ah ka hor warbaahinta soo mariyey baaqiisii ku saabsanaa colaad maato doox ah, isagoo ku hanjabay in bulshada reer guuraaga ah ee is dhex degan colaad ka dhex abuuri doono oo uu xasuuq u gaysan doono, colaad maato doox ahna samayn doono. Falkan uu sameeyeyna waa mid xaqiijinaya in uu hanjabaadiisii ka dhabeeyey, isagoo soo agaasimay falkaas oo diray koox argagixiso ah oo xasuuqay dad reer guuraa ah oo ay waxna dileen waxna dhaawaceen’.
Dhanka kale Wasiirka Caafimaadku waxa uu baaq ku saabsan fal dembiyeedada Cali Khaliif ka wado Gobolka uu u diray beesha caalamka  sida Urur Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay kuwaas oo uu ku boorriyey inay talaabo ka qaadaan dagaal ooge Cali Khaliif oo ka tirsan Baarlamaanka dalka aynu jaarka nahay ee Somalia.
“Ururada caalamiga ah iyo kuwa heer gobol sida Qaramada Midoobay iyo IGAD waxaan ku wargelinaynaa in ninkaasi Dagaal oogaha ahi uu colaad, deganaansho la’aan iyo xasilooni darro ka abuuray Mandaqadda,” ayuu yidhi wasiirka Caafimaadka Somaliland.
Dr. Xaglo-toosiye  waxa uu caddeeyey mowqifka dawlada Somaliland ee ku saabsan nabadgelyada iyo xasiloonida guud ahaan Gobolka Geeska Afrika gaar ahaana Magaalada Buuhoodle ee Somaliland oo ay dadka ku dhaqani khatar ugu jiraan colaada uu hurinayo Cali Khaliif Galaydh, waxana uu yidhi: “Dawladda Somaliland waxa u qorshaysan nabad ku soo dabbaalida Gobolkan, waxana naga go’an in aanu tallaabo ka qaadno cid kasta oo doonaysa inay falal amni darro oo maato doox ah ka gaysato gobolkan, anaga oo ka hortegayna sharka uu wado.”
Wasiirka oo la hadlayey waxgaradka iyo dadweynaha Gobolka Buuhoodle waxa uu u soo jeediyey inay ka shaqeeyaan nabadgelyada deegaankooda kana feejignaadaan falalka amnidarro ee uu caadaystay Cali Khaliif. “Shacabka, waxgaradka, odayaasha iyo madax dhaqameedkaba waxaan xasuusinayaa murtidii soomaaliyeed ee ahayd Nin aan kuu furi doonin yaanu kuu rarin, waxay ila tahay in aad ogtihiin waxa Cali khaliif Ujeedadiisu tahay iyo waxa uu soo wado, dhacdadii maato dooxa ahayd ee shalay-na waxay markhaati ka tahay ujeedadiisa iyo hadafkiisa, waxay caddayn u tahay colaadda uu doonayo in uu deegaanadan ka huriyo, waxa aan doonayaa in shacabku isku aragti ka noqdaan melena uga soo wada jeestaan dabka uu Cali Khaliif hurinayo iyo colaadda uu abaabulayo oo ah mid aan dani ugu jirin reer Buuhoodle.”
Wasiirka Caafimaadka oo ka jawaabayey waxa ay Xukuumad ahaan ka yeeli doonaan hadii Cali Khaliif oo hadda u ambabaxay meelo ka mid ah Gobolka Sool uu dib ugu soo noqdo Magaalada Buuhoodle ayaa waxa uu ku jawaabay: “Waa run Ninkaa nabad diidka ahi waxa uu xiligan ku sugan yahay Tuulada Saax-dheer ee Gobolka Sool, anagu marnaba uma ogolaan doono in uu dembiilahaasi ku soo noqdo Buuhoodle, shacabkuna u ogolaan maayo.”
Ugu dambayntii Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed waxa uu sheegay waxa ay hadda ka bacdi ka yeeli doonaan dagaal ooge Cali Khaliif waxana uu yidhi: “Maadaama uu dembiile yahay, maadaama uu dad rayid ah oo aan waxba galabsan laayey, maato doox sameeyey, waxaanu u aqoonsan nahay dembiile dagaal umana saamaxayno in uu ku sugnaado meel Somaliland ka mid ah”.
Sida la ogyahay Dagaal ooge Cali Khaliif ayaa habeenimadii Sabtida Buuhoodle ka baxay muddo saacad ah  ka hor markii maleeshiyo ilaaladiisa ahi laayeen dad reer Guuraaga ah ka dibna ka dabo tageen Cali Khaliif.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.