WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 11, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha madasha wadatashiga iyo toosinta Somaliland Xasan Guure Jaamac, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wax wada hadal ah oo u socda xubnaha isbahaysiga xisbiga Kulmiye ee qaadacay shirkii xisbigaasi.

Xasan Guure oo ka jawaabay warar sheegaya in isbahaysigii xisbiga kulmiye ee shirkii xisbiga ka cadhooday ku biirayaan madasha wadatashiga, isla markaana wada hadal hoose u socda ayaa sheegay in illaa hadda aanay isbahaysigaasi kulmiye arag wax wada hadal ahna aanu dhex marin.
“Weli ma jiraan wax wada-hadala oo na dhex maray isbahaysiga KULMIYE, wax jirana maaha aniga iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa maalin wada-hadalnay. Balse dee weli isbahaysiga KULMIYE si caadi ah umaanaan wada-hadal, anaguna fili maayo walina cid kumaanan biirin kuna biiri mayno. ” ayuu yidhi Gudoomiyaha madatasha wadatashiga Xasan Guure oo ka hadlaya in isbahaysiga kulmiye ku biirayo iyo in kale.
Guddoomiyaha madasha wadatashiga ayaa sheegay in madasha watashigu damacsanaayeen markii hore inay xisbiyadda mucaaradka mideeyaan si cudud u yeesho mucaaradku, balse taasi ay suurogali wayday dhinaca xisbiyadda, waxaanu intaas ku daray in aanu illa hadda xisbi taageerin, balse saddexda xisbi ku qiimeyn doonaan barnaamijyadoodda mustaqbalka, waxaanu yidhi “Anagu maanan damcin inaan xisbiyada mucaaradka ah ku biirno, laakiin xisbiyada mideeya ayaan is lahayn mideeyaadii aan is lahayna xisbiyadii mucaaradka ahaa ayaan iskugu taag waynay inay isku yimaadaan, kana tashadaan ayaahooda laakiin maanta sadexda xisbi qaranba way noo siman yihiin ilaa hadana barnaamij siyaasadeed oo aanu ku kala dooranana kumaanan arkin sadexda midna haddii uu soo baxo xisbi barnaamijkiisa wax ka bedelaya. Anaga qudhaydu ma nihin niman iska socdee, waxaan nahay niman urur meel u taagan markaa hada u malayn maayno iminka madal ahaan inaan midna ku biiri doono, kumana biirayno laakiin waa laga yaabaa in qof naga mid ahi uu ku biiro waana uu ku biiri karaa oo xaq buu u leeyahay. ”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.