WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 5, 2018, (Saxafi) – Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu cafiyo garyaqaan Maxamed Keyse oo mudo ku xidhan magaalada Hargeysa.

Xoghayaha ciyaaraha ee xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis ayaa sheegay in xadhigaasi uu yahay mid sharci darro ah balse ay madaxweynaha ka codsanayaan inuu cafiyo garyaqaankaasi.

SomlegalAds

Xoghaye Yoonis oo ka hadlaya xadhiga Maxamed Keyse ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu jecelnahay inaanu xukuumada u soo jeedino baaq kaas oo ku wajahan nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah oo qoraa ah, kaas oo mudo ku siman lix bilood hada xidhan, Maxamed Keyse Bigeeye waxa lagu xukumay 18 bilood oo xadhig ah, xukunkaas oo aanu xisbi ahaan u arkaynay inuu baalmarsan yahay sharciga dalka.”ayuu yidhi xoghaye Yoonis oo u waramay HCTV.

Xoghayaha ciyaaraha ee xisbiga Waddani ayaa intaas raaciyey “Bil ramadaan ayaa lagu jiraa, ninkaas dhalinyarada ahi waxa uu xidhan yahay 6 bilood iyada oo lagu xukumay 18 bilood, waxaanu madaxweynaha ugu baaqaynaa inuu u fidiiyo cafiska dastuuriga ah ee uu sharcigu ku siiyey oo aad soo daysid”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.