WorldRemitAds

Jigjigga, Ethiopia, July 10, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha Ismaamulka Dawlad-Deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley), ayaa shalay ku soo laabtay magaaladda Jigjiga ee xarunta is maamulkaas.

Cabdi Maxamuud Cumar oo socdaal laba maalmood qaatay oo su’aallo badan iyo warar kala duwan abuuray kaga soo noqday xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa shalay ka degay magaalada Jigjiga, waxaana maamulkiisu  ku fasiray socdaalkiisa inuu ahaa mid shaqo.

SomlegalAds

Warar habeen hore soo baxay ayaa tilmaamayay in socdaalka Madaxweynaha maamulka dawlad deegaanka ee Addis Ababa ka dabeeyay amar yeedho ah oo ka soo baxay hoggaanka sare ee dawladda Federaalka Itoobiya. Waxaana xogahaasi muujiyeen in uu jiro qorshe la doonayo in xabsiga loogu taxaabo Madaxweyne Cabdi Iley iyo Taliyihii hore ee Bileyska Itoobiya, kuwaas oo lala xidhiidhinayo qalalaasihii sannadihii u dambeeyay ka taagnaa dalka Itoobiya, gaar ahaan deegaanka Ismaamulada Soomaalida iyo Oromada, halkaas oo ay sannadkan iyo kii ka horeeyayba ay ka dhaceen xasuuq farabadan oo loogu geystay dad rayid ah oo labada dhinacba ah.

Sidoo kale, xogahaas hore waxaa ay muujinayeen in Cabdi Iley loo soo jeediyay inuu xilka iska casilo, si ay u fududaato in la damiyo colaadaha iyo nacaybka faraha badan ee ka taagan deegaanada Soomaalida iyo kuwo u dhowdhowba, gaar ahaan deegaanada qoomiyadda Oromada. Hase yeeshee warkaasi ma sheegin inuu Cabdi Iley ogolaaday soo jeedintaas. Sidaas oo ay tahay shalay sida lagu baahiyay shabakada Wararka maamulkaas ee Cakaara, Islamarkaana ay tilmaameen xogo kala duwan oo aanu helay Cabdi Maxamuud Cumar si toos ah ugama hadlin arrintan, waxaana warbaahinta maamulkiisu ku sheegtay socdaal caadi ahaa oo shaqo, sidoo kale, warar kale oo maalin ka hor ay baahiyeen waxaa ay kaga hadlayeen qorshayaasha u yaalla maamulkiisa, balse lagguma xusin xoggaha ka wabiyay xidhiidha Cabdi Maxamuud Cumar iyo Raysal-Wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed. Waxana wax waliba kala cadaan doonaan maalmaha soo socda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.