WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 15, 2015 (Saxafi) – Xukuumadda ayaa soo abaabushay kulan ay iskugu yimaadeen xukuumadda, bahda cadaaladda iyo Saxaafadda Somaliland, taas oo lagaga arrinsanayey.

Kulankan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyadda ayaa lagu sheegay ujeedadda kulankani inay salkma ku haysay codsi ay xukuumada u soo gudbiyeen Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA kaasi oo uu Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ka ajiibay isuguna yeedhay Badhasaabada gobolada Dalka, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Saxaafadda iyo MadaxtooyaddaKulankan oo ahaa mid lagaga doodayey sidii loo yarayn lahaa xadhiga saxaafada, xukuumada iyo bahda saxaafaduna u yeelan lahaayeen xidhiidh wanaagsan oo ay ku dheehan tahay wadaniyad iyo dal jacayl buuxa ayaa ku soo dhamaaday is afgarad wanaagsan
Waxaana warbaahinta la hadlay Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi iyo Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA mudane Xuuto.
Ugu horeyn wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi ayaa ka haday kuankan iyo ujeedadiisa, waxaanu yidhi “Maanta kulankan qiimaha badan ee halkan ka qabsoomay Xarunta madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland oo ay runtii soo dalbadeen ururka SOLJA naga codsadeen, waxaan u agaasinay si weyn waxaa halkan maanta isugu yimid Hay’addihii ay shaqadani khusaynaysay gaar ahaan Wasaarada arimaha gudaha, Wasaarada warfaafinta, Badhasaabadii Gobolada Xeer-ilaaliyihii qaranka iyo Garsoorkii oo gudoomiyihii Maxkamada sare hogaaminaayo, shirku wuxuu ahaa saddex geesood xukuumadii, ururkii suxufiyiinta somaliand matelaayey ee Solja  iyo Garsoorkii, dulucdiisu waxay ahayd  1. Ururka suxufiyiinta Solja cabatinadii ay qabeen in lagu eego laga baaraan dego ay u tirinayeen dhinaca xukuumada iyo garsoorkaba 2. saxaafadu waxyaalaha iyagana laga tirsanaayo iyo khaladaadka loo tirinaayo dhinacoodana in loo jeediyo, saxaafada madaxa banaani waa muraayada qaran leeyahay waa waajib xukuumada saaran in la dhiiri geliyo madax babaanida saxaafada, xukuumada Axmed Siilaayo gadhwadeenka ka yahay inay dhawrto xuquuqda suxufiyiinta waxaa naga go,an inaanan suxufiyiinta kula kicin wax cabudhina cabatinaday noo soo jeediyeena si wacan baanu u eegaynaa, arrinta kale ee saarani waxaa weeye suxufigu ama saxaaafadu xuquuq bay leedahay waa sax, waxaa kale oo ay leedahay waajibaad saaran, suxufigu malaha xuquuq aan xad lahayn  waxaa weeye xuquuqdiisu meel bay ka bilaabantaa meelna waa ku dhamaataa muwaadinta kale ee uu saamaynta ku leeyahay noloshiisa xuquuq buu leeyahay xuquuqdiisuna waxay ka bilaabantaa halka taasi ku dhamaato meelna waa ku dhamaataa waajibaad baa saaran waxaa waajiba iskaashi guud  in qarankeenu si aynu u horumarino waa in xukuumadeena horumarinaa waa in xarumaha gaarka loo leeyahay horumariyaa la haanshaheena gaar ahaaneed waa in saxaafaduna ay horumartaa waxaan ka shaqaynaynaa sidii saxaafada loo kobcin lahaa baahiyahooda loo eegi lahaa aqoontooda loo kordhin lahaa, dhibaatooyinka ugu badan ee xukuumada ay aragtay isha ku hayso  waxaa ka mida saxaafadii madaxa banaanayd oo ay kusoo bateen dad aan aqoon lahayn oo yar yar mihnadii u isticmaalaya si qaloocan, waxaa weeyaan waajibaadka saaran baa laga doonayaa haday tahay ilaalinta  qaranimada iyo amniga iyo nabad gelyada iyo sumcada qaranka ay kow ka tahay saxaafada xukuumadu kama rabto inay guul wadayso waxaanu ka doonaynaa inay dhex dhexaad noqoto  waxaanu ka doonaynaa inay wararka dheeli tirto iyo barnaamijyada xukuumada waa ciyaarta dadka ciyaaraya waa Teamka ugu weyn weeye had iyo jeer la dhaliilayo wax laga sheegayo waa inay wararka dheeli tirnaadaan  marka wax laga sheegayo waa in wararka wax nalaga waydiiyaa anagana waa inay dhex noo noqdaan wararku waxaa laga doonayaa inay qaranimada arimaha amaanka saamaynta ku leh ay dhawrto saxaafadu waxaa laga doonayaa saxaafada ilaalinta shuruucda anshaxa iyo asluubta suuban ee muwaadiniinta inay dhawrto, qofka suxufigaa xaq uma leh inuu ciduu doono caayo ciduu doono inuu cirdigiisa ku xag gudbo xaq uguma leh sharciga islaamka iyo ka mandiqa iyo ka madaniga mid walba way ku taalaa qabyada taala ee runtii faraha badan dhinaca saxaafada iyo dhinacayagaba waxaanu ku heshiinay ururka SOLJA kulankii gunaanadkiisii inaanu dhinac walba dhaliishiisa toosino gacmaa lays qabsado qaranimada loo shaqeeyo sidaana aan noqono qaran sumcad leh  muuq wanaagsan sawira, saxaafada somaliland waa xor waxay ka mid tahay geeska Africa iyo wadamada Africa meelaha ugu xoriyada badan hadana waxaan diyaar u nahay tabashooyinkooda inaan is dul taagno waxay gar u yeeshaana aanu hagaajino toosino dhaliishayada qaadano wxiii nagu cadaada iyagana waxaan ka doonaynaa inay dhaliilahooda qaataan oo ay toosiyaan wixii ka qaldan.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiye ururka SOLJA Maxamud Xuuto, waxaanu yidhi“halkan maanta waxaanu ku kulanay xukuumada, garsoorka iyo saxaafada, oo ururka solja uu runtii soo qaban qaabiyey, kulankani waxa uu ahaa kulan wayn oo taariikhiya runtii oo aan in muda ah qabsoomin, waxaanu daawo ka yahay dhibaatooyin iyo caqabado fara badan oo ay saxaafadu tirsanaysay in lagu lafa guro, sidoo kale bahda garsoorka iyo xukuumadu lafteedu iyaguna cabashoon ay sugayeen in fursadan oo kale ay sugayeen inay ku soo bandhigaan, waxaanu isla garanay runtii waxyaabihii aanu saxaafad ahaan ka cabanaynay in maanta xukuumadu u tafaxaydato in la xaliyo, bahda saxaafadana waxaa maanta halkan ka soo baxay in eedo farabadan loosoo jeediyo, bahda saxaafaduna in ay ku dhaqanto oo ay ajiibto dhinacooda wixii caqabad kaga imanaya runtii, haday noqoto xukuumada haday noqoto dadweynaha haday noqoto garsoorka, intay runtii wax ka qabato oo ay wax ka bedesho.Marka waxaan runtii u arkaa kulankan oo ay SOLJA in badan soo qaban qaabinaysay kulano badan oo danbana lasoo qaban qaabin doono hadii uu illaahay yidhaahdo inuu wax badan ka qaban doona dhibaatooyinkii faraha badnaa ee aanu ka cabanaynay, waxaanan ku boorin lahaa saxaafada oo fariintaydu tahay maanta anigu, maadaama oo xukuumadii iyo garsoorkiiba ajiibeen wixii halkan aanu uga gudbinay ee cabasha ah in bahda saxaafaduna wixii dhankooda ku xidhan ay wax ka qabato oo ay wax ka badasho.”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.