WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland December 15, 2015 (Saxafi) – Afhayeenka Golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), ayaa jawaab adag siiyay Wasiirro ka tirsan Dawladda Somaaliya iyo maamulka Garoowe, kuwaasi oo ka hadlay shidaal baadhista xukumadda Somaliland ka waddo gobolka Sool, halkaasi oo ay muran galiyeen wasiiro Somalia u hadlay.

Xildhibaan Indho-indho oo maalinti shalay warbaahintu wax ka waydisay arrimaha ayaa waxa sidoo kale farriin u diray wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland oo farayo inuu wax u qabto kana jawaabo tabashadda bulshada deegaanka laga baadhayo shidaalka ee gobolka Sool, halkaasi oo dadku ka cawdeen inaan laga jawaabin baahiyo ay hore xukumadda iyo shirkaddaha shidaalku uu gudbiyeen.
Xildhibaan Indho-Indho“Saaka  (shalay) waxa aan doonaya in aan ka hadlo arrimaha batroolka oo beryahan saxafaddu gaar ahaan idaacaddaha BBC-da iyo VOA ay aad uu hadal hayaan hawlaha sahaminta ka socda gobolka Sool, laba wasiir oo midna joogo maamul goboleedka Puntland iyo Somalia waxan leeyahay labadaasi waxa ay ku hadlayaan waxbana kama jiraan. Waxan jecelahay saddexda wasiir ee idaacadda BBC-da ka hadlay aan la hadlo ee wasiirada batroolka Soomaalia, Puntland iyo Somaliland laba nin waxan leeyahay ninka yidhi waxbaan gaadhi anigu goodhi iyo cayn jooga ee yidhi badi gadhcad godob uu waydaarin, godka lagu cadaabyow muxu been sheegay. Ninka Puntland nugaal waxbana laga waydiin maayo waa wadan Somaliland la yidha ninka xamar joogana waxan leeyahay adeer sanweynta Kismaayo joogta orodo batroolkeeda ka hadal, halkan ma xukuntid mana lihiid, wasiirka Somaliland waxa aan leeyahay dadkaaga yaan laga kaxaysanin baahiyaha ay ka hadlayaan uga jawaab. Waxa ay ka hadlayan biyo, iskuul, misaajiid iyo horumaarin inta dowlada ku soo noqoto wixii aad haysana si wixii kale ee ka maqaana madaxweynaha iyo dowladaba ula soo noqo. Waxa fiican tahay hadalka aad hadlaysid inuu garowshiyo ku jiro dadkani waxa ay leeyihin dhulkani wa Somaliland u garow baahiyahoodana uga jawaab, haddii aanad adiguna qaban karin ula soo noqo xildhibaanada oo madaxweynaha kula soo noqo oo wasiirada deganada kula soo noqo oo yaan la inaga kaxaysanin dadkii.”   
Diyaaraddo shirkadda DNO oo Somaliland heshiis kula jirtaa leedahay ayaa todobaadadii u dambeeyay baadhis ka wada degaannada Xudun, taas oo abuurtay muran Somaliland iyo Somalia u dhexeeya, qaar dadka deegaanka ahina cabasho ka muujiyeen ”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.