WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, September 5, 2016 (Saxafi) – Weftigii xukuumadda Somaliland u qaabilsanaa wada hadalka iyo dhamaystirka heshiiska maalgashiga gobolka Saaxil iyo marsadda Berbera ee shirkadda DP World ayaa sheegay inay maanta kala saxeexan doonaan shirkadda iyo xukuumaddu maalgashiga Dekada Berbera.

Kulankan oo shalay ka dhacay magaaladda Dubai ee Isu-taaga Imaaraadka Carabta ayaa waxa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda SamSam Cabdi Aadan, wasiirka Qorshaynta Cali Shoombe, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, safiirka Somaliland fadhiya UAE Baashe Cawil iyo maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin, halka dhinaca shirkadda DP World uu hogaaminayay  guddoomiyaha shirkadda Sultaan Axmed bin Saleeban iyo masuuliyiin sar-sare oo shirkadda ah, islamarkaana maalmihii u dambeeyey ku hawlanayeen dhamaystirka heshiiska.

14184513_319618585056098_8858295296820197943_nAfhayeenka weftiga xukuumadda ee ku sugan magaalada Dubai Cali Shoombe ayaa sheegay in dhamaan qodobaddii heshiishka la isku wada waafaqay, isal markaana maanta oo Isniin ah uu dhici doonno saxeexa heshiishka dhabta ah.

SomlegalAds

Wasiir Cali Shoombe oo wada hadalka shirkadda DP Wolrd iyo xukuumadda ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan dhamaan ummadda reer Somaliland u sheegayaa in aynu ku heshiinay dhamaan qodobadii sida ay u dhamaayeen anaga iyo shirkadda DP World, beritoolena (maanta) ay noqoneyso saxeexii kama dambaysta ahaa . Waxa kale oo aanu la shirnay farsamayaqaanadii labada dhinac kolkii ay aad isu soo arkeen oo anagu la galnay gudoomiyaha shirkada Dubai World Mr. Suldaan, kaas oo aanu islaqaadanay qodobaaddii aynu hore u soo falaqaynay. Marka waxa weeye heshiiskii kama dambaysta ahaa in berri (Maanta) la saxeexo, ku farxa.”.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Amb. Baashe Cawil Cumar oo isaguna halkaas hadal kooban ka jeediyey ayaa yidhi “Sida uu inoo sheegay wasiirka Qorsheynta qaranka ee Somaliland Cali Shoombe ee wada hadalada la waday Shirkadda DP World ee Dekeddaha Berbera maalgelinta ku sameynaysa, waxa muda todobaad ah oo aanu halkan joognay laysla qaatay dhamaan qodobadii muhiimka ahaa ee Somaliland iyo Shirkaddani ku heshiiyeen iyada oo baritone la ansixin doono heshiiskaasi si wada jir ah”

Wasiiradan ayaa muddo toddobaad ah ku sugnaa Imaaraadka Carabta, isla markaana ku jiray inay shirkadda DP Wolrd masuuliyiintoodda kala saxeexdaan heshiishkii maalgashiga, kaasi oo la filayo in maalinta kala saxeexdaan.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.