WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 26, 2016, (Saxafi) – Ganacsadde Axmed Cali Ubaxle oo ka mid ah ganacsatada Somaliland ee la shaqeysa Hay’adda caalamiga ah ee Qaramadda miyoobay (UN) ayaa eedayn culus u jeediyay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde.

Ubaxle, waxa uu ku eedeeyay wasiirka in gawaadhi ay leedahay hay’ada Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa uu ku xanibay Dekedad Berbera, kuwaas oo uu ku dooday inay u dhantahay sharciyadoodii looga baahnaa dal ahaan. waxana uu yidhi. “Cashuur ayaan bixinaa oo shaqaale ayaan cashuur siinaa, macalmacaash ayaan bixinaa, liisamo ayaan leenahay oo waan cashuuranaa sanadkiiba, sanad walbana dalka dakhli ayaanu soo galinaaa, wasiir xafiis iska fadhiya oo wax alaale waxa uu ogyahay aanay jirin ayaa waxa uu ku leeyahay hantida aad waddo hadii aan waxba layga siinayn ma baxayso. Waxa maalmahanba dekedda nagaga xaniban afar baabuur oo ay leedahay hay’adda UN-tu oo ah nooca “Bullet-Proof” ah, hay’addana xeer iyo shuruuc ayay dawladda Somaliland la gashay, hadii ay masuuliyiinta dawladda Somaliland yidhaahdaana UN ma aqoonsanina dee iyaguna Somaliland ma aqoonsanayaan oo waa meesha kaliya ee aynu rajada ka leenahay ee aynu doonayno inay dunida kale xidhiidh inoola sameeyaan, hay’aduna halkaa dekedda Berbera ayay wax kasoo dajisataa” ayuu yidhi Axmed Cali Ubaxle.
Sidoo kalena isagoo sii wata hadalkiisa Axmed Cali Ubaxle ayaa waxa uu intaa ku daray “Afartan baabuur labana waxay u socdeen Garoowe labana Hargeysa waraaqahoodiina way cadyihiin oo waan haynaa, kastamyadii, wasaaradii maaliyada, masuuliyiinta dekeda Berbera, ciidankii nabad galyadda wadooyinka intuba gawaadhidaa way fasaxeen maxaa yeelay sharciyadoodii way u dhamaystirnaayeen, baabuurtaasi markay albaabka dekeda marayso wasiir Cali Waran Cadde ayaa telefon soo diray waxaana uu yidhi baabuurtaasi igama baxi karto”Sidaas ayuu yidhi Axmed
Sidoo kale, Axmed Cali Ubaxle isagoo wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay inuu la hadlay wasiirka balse uu u sheegay inuu isagu haysto gawaadhidaasi waxaana uu yidhi “Markaan anigu la hadlay oo afkayga aan kula hadlaynaya waxa uu igu yidhi Cali inamo yar oo UN ka shaqeeyaana gawaadhi “BulletProof”Ah ayay wataan ana xaajiyad ayaan wataa alle Ayaan idinku dhaarshee makaas ayaa masuul dawladeed ah, waxaan leeyahay lama waayin masuul dhaama kaa in wasaarada arimaha gudaha loogu dhiibo umada Somaliland”
Gabagabadiina Axmed Cali Ubaxle waxa uu madaxwayne Siilaanyo ugu baaqay inuu wasiir Cali Waran Cadde uu xilka ka qaado isagoona ku tilmaamay wasiir aan ku haboonayn wasaarada arimaha gudaha Somaliland waxaana uu yidhi
“Madaxweyne Wasaarada arimaha guduhu waa wasaarada amniga khusaysay, waa wasaaradii haysay dalka sumacadeeda iyo horumarkeeda, waxaan leeyahay madaxwayne markaad wasiirada noocaasa nooga dhigto masuul dee xaq Ayaan u leenahay inaan suuqa boodhadh qaadano oo cabashadayada muujino”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Axmed Cali Ubaxle

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.