WorldRemitAds

Aktarada Filimada Maraykanka Matasha ee Angelina Jolie ayaa ka warantay dhibaatada ay leedahay in qofku caan noqdo, waxaanay sheegtay in shaqada matalaada filimada iyo xiisaha badan ee ay u haysay inay degdeg u caan baxdaa ilowsiisay qaybo muhiim ah oo nolosheeda ka mid ah.

Aktarada caanka ka ah dunida, kana midka ah xidigaha ugu cad cad matalaada filimada ee xidigaha Hollywood, Angelina Jolie ayaa waraysi lagula yeeshay mid ka mid ah barnaamijyada loogu daawashada badan yahay dalka Maraykanka, kaga hadashay waxyaabo badan oo ka dhiman nolosheeda, kuwaas oo ay ka soo booday xiligii ay da’da yarayd ee ay baran lahayd.

Angelina Jolie ayaa nacasnimo ku tilmaantay in iyadoo hooyo ah aanay aqoon u lahayn karinta cuntada, taas oo meel ka dhac ku noqonaysa carruurteeda, sababtoo ah? Haddii aanay ubadka hooyadood cuntada u Karin, tarbiyadooda wax wayn ayaa ka dhiman ayay tidhi.

SomlegalAds

Angelina Jolie ayaa ka warantay dugsi cusub oo ay dhawaan gashay, kaas oo ay ku baranayso cunto karinta, waxaanay xustay inay ka soo booday oo ay ka mid tahay, waxyaabaha aqoontoodu ka dhiman tahay, wallow ay haddana tahay hooyo iyo haweenay afartan jir ah.

Angelina Jolie oo lagu waraystay barnaamijka “Today Show” ayaa ku tiraabtay hadal dadka badankooda aad uga yaabiyay, sida la dareemayayna in badan oo ka mid ah, marti sharafeedii Istuudyaha ku sugnaa kaga jawaabtay qosol gariir iyo u qaadan waa.

Waxaanu hadalkaasi ahaa, “Waxaan ahay hooyo iyo xaas, waxaana lagama marmaan ah inaan guto waajibka hooyo nimo oo aan hawsha guriga ka soo dhalaalo, sidaa awgeed waxa ugu wayn ee wakhtigan aan ku hawlahanay waa barashada cunto karinta iyo tarbiyada carruurta.” Ayay tidhi Jolie.

Jolie ayaa sheegtay inay saluugtay sida odaygeeda Brad Pitt aanu ahmiyad wayn u siin go’aankeeda ay ku doonayso inay hooyo nimada muhiimada saarto, waxaanay tidhi, “Inaan hooyo nimada iyo shaqada guriga awooda saaro ayaa iga go’an, wallow aanu Brad Pitt, ahmiyad wayn siin go’aankaygan, aadna aanu ugu riyaaqin, haddana waxaa iga go’an inaan barto sida cuntada loo kariyo, si aan cuntooyinka uu jecel yahay odaygaygu aan ugu sameeyo gacan tayda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.