WorldRemitAds

Safiirka boqortooyada Midowday (United Kingdom) u fadhiya dalka Boqortooyada Sucuudi Arabiya, ayaa noqday dublamaasigii ugu sareeyay Ingiriiska ee si rasmi ah u cadeeyay inuu qaatay diinta Islaamka oo uu Muslimay.

Ambassador Simon Collis ayaa ka mid noqday martida Alle (SW) ee Xajiyay ama sanadkan gudanayay rukniga shanaad ee diinta Islaamka, taas oo u ahayd munaasibadii ugu qiimaha badnayd ee uu ka qayb galo.

Danjire Simon Collis ayaa shaqadiisa dublamaasiyada ee uu ku matalo dalkiisa kaga hawl galayay waddamada carabta iyo dunida Islaamka sodonkii sanadood ee ugu danbeeyay sida wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxaa ku warantay.

SomlegalAds

Safiir sare Simon Collis waxa uu shaqada wasaarada arrimaha dibada Ingiriiska ku biiray sanadkii 1978-kii, waxaanu ka soo shaqeeyay safaaradaha Ingiriiska ee dalalka Baxrayn, Ciraaq, Suuriya, Qatar iyo Indiya, oo uu dhamaantood ka wada noqday danjiraha guud ee dalkiisa u fadhiya waddamada aynu soo sheegnay.

Safiirkan ayaa ka mid ah rug cadaaga waaweyn ee arrimaha dibada Ingiriiska loo dabo fadhiisto, waxaanu si wayn u bartay luuqada carabiga oo uu si wanaagsan qoraal iyo hadalba ugu takhakhusay, waana sababta ugu wayn ee uu waddamada carabta uga shaqeeyay.

Safiir Collis oo ku labisan labada go’ ee lagu Xajiyo ayaa warbaahinta u sheegay in gudashada waajibaadka Xajku yahay, munaasibada ugu qaalisan ee qofka Muslimka ahi cimrigiisa inuu hal mar guto diintiisu ku waajibisay.

Xajka ayuu safiirkani ku tilmaamay mid iimaankiisa kor u qaaday oo uu ka helay Ruux qaaliya, nuurka Iimaankana uu dareemayo, waxaanu sheegay in Xaramku yahay goob mucjiso ah oo jawi ka duwan dunida oo dhami ka jiro.

Danjirahan oo hore Ingiriiska ugu fadhiyi jiray dalka Suuriya ayaa laga soo badalay sanadkii 2015-kii, ka dib markii xidhiidhka Ingiriiska iyo Suuriya xumaaday ee ay isku maan dhaafeen dagaalada ka socda dalkaas, ka dibna waxa loo magacaabay danjiraha Britain u fadhiya dalka Sucuudi Arabiya.

Safiirkan ayaa sheegay in isaga iyo carruurtiisa afarta ah oo dhami ay wada muslimeen, waajibaadka xajkana uu sanadkan kala qayb galay labo milyan oo muslimiin dunida oo dhan ka kala socday oo ay wada guteen, jawigaas oo ahaa ayuu yidhi kii ugu muhiimsanaa noloshiisana uu arko.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.