WorldRemitAds

Mid ka mid ah waddamada carbeed ee qaarada Afrika ku yaala, ayaa noqday waddanka ugu horeeya dhinaca horumarka dhismaha jidadka waaweyn ee magaalooyinka isku xidha iyo kuwa gudaha magaalada caasimadda u ah dalkaas ee Aljeris.

Sida warbixin dhawaan ay soo saartay hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan degaanka iyo horumarinta magaalooyinka ee HABITAT, dawlada Aljeeriya ayaa noqotay tan ugu horaysay dalalka Afrika iyo waddamada soo koraya, waxaanay ku guulaysatay hir gelinta waddooyin tiro badan.

Sida wakaalada wararka Ingiriiska ee Skynews Agency ku warantay, wasaarada hawl guud iyo guryeynta u qaabilsan dalka Aljeeriya, ayaa rikoodhka dunida ku gashay, dhismaha ugu tirada badan ee waddooyinka waaweyn ee Highway-ga afka qalaad loogu yaqaano.

SomlegalAds

Waxaanay wasaarada hawlaha guud ee dalka Aljeeriya dhaawan lix iyo sodon saacadood oo kaliya gudahood ku dhigtay jid wayn oo isku xidha caasimadda Aljeeriya iyo degaanka Bin Cankown loo yaqaano oo ilaa shan iyo soddon km isu jira.

Jidkaas oo ahaa mid si daran u burburay, isla markaana yeeshay godad waaweyn oo bohol noqday, ayay dawlada Aljeeriya gaar ahaan wasaarada Hawlaha guud dib u dhiskiisa ku hir gelisay muddo lix iyo sodon saacadood qiyaasteedu tahay, waxaanay saartay Leeyarka ugu casrisan uguna lakabka wayn dunida ee Rooga Somalidu u taqaano.

 Waddadan oo markii hore hal saac ugu yaraan sarafkeedu qaadan jiray, waxa imika loo kala goosha wax ka yar rubuc saaace, waxaanay wasaarada hawlaha guud jidkaas u dhamaysay dhamaan adeegyada aasaasiga u ah jidadka, sida biyo mareenada waddada hareeraheeda, buundooyin biyo dhacyada ah iyo faalal laga dhigay jidka hareerihiisa, sidoo kale waxa loo sameeyay meelaha gaadiidka xumaada ama nasashada doonaya istaagaan ee Parking-ka loo yaqaano.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.