WorldRemitAds
Haddii boolisyo badan oo dunida ka jira ay suura gal tahay, in maalin kasta ama saacad walba ay qof ka mid ah muwaadiniintooda dil ama dhaawac u gaystaan, akhriste ma rumaysan kartaa in mid ka mid ah boolisyada dunidu uu markii ugu horaysay taariikhda gaystay dilkii ugu horeeyay.

Sida warbaahinta dunida badankeedu baaiyeen, Booliska Jasiirada Iceland ayaa la dhiban isla markaana culayskii ugu waynaa ka soo gaadhay, toogasho markii ugu horeeyay ay qof hubaysan ku dileen, taariikhda intii uu booliskaasi jiray, ka dib markii dhawaan nin hubaysan ay boolisku ku toogteen caasimadda dalkaas, taas oo dhaawac ay u gaysteen sababay dhimashadiisa.
In kasta oo booliska dalkaasi jiray muddo dheer oo nus qarni ka badan, haddana dhacdadani waxa ay noqotay tii ugu horaysay ee ay booliska jasiiradaasi ku kacaan, sida wakaaladaha wararka ee dunidu ku warameen, booliska ayaa toogasho ku dhaawacay nin sagaal iyo konton jir ah, kaas oo u dhintay dhaawacii soo gaadhay.
Warbaahinta degaanka oo warkan baahisay markii ugu horaysay ayaa ku warantay in ninkaasi hub culus ku hubaysnaa, booliskuna markii hore u adeegsadeen, qiiqa dadka kaga ilmaysiiya iyo waxyaabo kale oo ay ku doonayeen in ay ku qabtaan, kagana baaqsadaan in rasaas toos ah ay u isticmaalaan, laakiin ay dhamaan dedaaladaas ku guul daraysteen ugu danbayntiina ay khasab ku noqotay in ay ku weeraraan rasaas nool, taas oo sababtay in ay dhaawacaan isaguna dhaawac soo gaadhsiiyo mid ka mid ah saraakiishii booliskii weeraray.
Maamulka jasiiradaas ayaa soo taagay ama eedo ku soo oogay shan iyo toban ilaa labaatan askar iyo saraakiil isugu jira, oo ka tirsan booliska jasiiradaas, kuwaas oo ahaa kooxdii hawl galkaas fulisay, ka dib markii dhacdada ay ku kaceen lagu tilmaamay tii ugu horaysay ee dalkaas ka dhacday ama boolisku ku talaabsadeen taariikhda intii ay jireen.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.