WorldRemitAds
Masaakiinta iyo dadka dawarsadaa waxa ay ka mid yihiin, dadka in aynu u naxariisano la inooga baahan yahay, waana hubaal in badankoodu yihiin, kuwo ay dantu u gaysayo oo baahi awgeed xaaladu ku kaliftay in ay dawarsadaan, hasa yeeshee waxa jira xubno ama shakhsiyaad ku mamay oo ay balwad ka noqotay, isla markaana shaqo ahaan u adeegsada kana urursada lacag badan oo mararka qaarkood ku soo toban jeer laabmaysa jeebka qofka uu gacmaha u hoorsanayo.

Tusaale ahaan qisada sheekadana maanta oo la xidhiidha, Nin Miskiin ah oo u dhashay dalka Maraykanka oo ka dawarsada, suuqyada magaalada Texas kaas oo la ogaaday inuu lacag tiro badan, ka helay dawarsiga, sida telefishan lagu magacaabo, LEX 18, oo ninkan daba gal ku sameeyay ku waramay waxa uu ka hanti badan yahay, dad badan oo u naxa oo laga yaabo, in maalin kasta lacag aad uu kooban oo ay haystaan wax ka siiya iyaga oo aaminsan inuu miskiin yahay.
Ninkan oo lagu magacaabo, Gary Thompson, oo da’diisu ilaa dhawr iyo afartan jir ku dhow dahay, waxa uu maalin kasta fadhiistaa, dhawr goobood isaga oo iska dhiga nin dhibaataysan, waxaanu qof kasta oo meelaha suuqyada ah ee uu hor fadhiisto ka soo baxaa ugu deeqaa wixii uu is leeyahay waad ku dhaantaa.
Ninkan oo markii daba gal badan telefishankaasi ku sameeyay ka dib si daacad ah ugu waramay, ayaa sheegay in ugu yaraan uu sanadkii helo lacag qiyaasteedu dhan tahay, boqol kun oo dollarka Maraykanka ah, taas oo si fudud u soo gasha isaga oo aan u dhididin.
Sida telefishankaasi baahiyay waxa uu muddo dheer oo daba gal kamaradahoodu ku hayeen, ka dib go’aansaday inuu si dhabb ah ugu waramo, kamaradahana soo hor istaago isaga oo xaqiiqada ka hadlaya, waxa uu sheegay in uu lacag aad u tiro badan haysto oo Bilyaneer lagu tilmaami karo, taas oo cadaynaysa in hantidiisu ka badan tahay kun milyan.
Gary Thompson, waxa uu tilmaamay in dadka badankoodu naxariis badan yihiin, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay, aad baan uga xumahay in maanta la ogaaday khiyaamadii aan ku xoog san jiray, laakiin waxaan idinka codsanayaa hadaad tihiin shacabka Maraykanka in aydaan joojin wax bixinta oo halkaas ka sii wadaan.
Waxa uu si cad u iftiinshay in ugu yaraan boqol kun oo dollar bishii ka soo  gasho dawarsiga, taas oo uu ku tilmaamay, hanti tacab la’aan lagu shaqaysto, waxa uu xusay inuu yahay qof xariif ku ah, dawarsiga oo ay aad ugu fududahay, habka dadka qalbigooda loo ruxo, sida uu ku dooday is dhul dhigiisu waxa ay u fududaysay in dad badani u naxaan oo isaga oo ka hanti badan ay siiyaan xoogaaga yar ee jeebkooda ku jira oo aanay ka maarmi karin.
Sida uu tilmaamay waxa uu haystaa lacag aad u tiro badan oo dhamaanteed ku soo gashay si aan hawl lahayn oo fudud, waxa uu xusay in dadku ka xumaan doonaan marka uu ka  waramo danbiga uu shacabka ka galay, laakiin waxa uu ka codsaday in wax bixinta aanay dayn oo dadka masaakiinta dhabbta ah ee u baahan ama noloshoodu ku xidhan tahay intaa yar ee la siinayo aanay kala bakhaylin oo aanay saamayn ku yeelan wax bixintooda.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.