WorldRemitAds
Masuuliyiinta sare ee wasaarada beeraha dalka Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday inay qabatay tobanaan tan, oo siidhka Galeyda ama araabikhida oo sumaysan ah, taas oo laga helay qaybo dhan oo ka mid ah beeraha gobolka Lower Saxony ee galbeedka dalkaas ku yaala.

Siidhkan Galeyda ee la helay ayaa ahaa mid suntan ku jirtaa tahay mid waxyaabaha dhaliya Kansarku aad ugu badan tahay, sida masuuliyiintu sheegeena lagu beeray tobanaan beerood oo ku yaala dalkaas.
Wasaarada beeraha ayaa sheegtay in siidhkaasi yahay mid si wayn loogu kala iibsanayo gobolada iyo suuqyada kala duwan ee dalkaas, lagana yaabo in meelo badan oo dunida ah ay ku fideen, waxaanay masuuliyiintu ka digeen halista caafimaad daro ee ka dhalan karta siidhkaas Maadooyinka Kansarka dhaliyaa ku badan yihiin ee beeraha loo qaybiyay.
Sida baadhitaan lagu sameeyay lagu ogaaday waxa siidhkan oo ah ka galaydu uu wataa ama ku jira kumayaal nooc oo ah, maadooyinka dhaliya Cudurka Kansarka, kaas oo sida baadhitaanka lagu ogaaday xitaa haddii la beero ay adag tahay sida ay uga bixi karaan maadooyiinkaas dhalinaya cudurka Kansarka.
Maadada ugu halista badan ee laga helay siidhkan galayda ee Kansar dhaliyaha lagu talaalay ayaa ah, ta loogu yeedho afka qalaad, (Aflatoxin B,), taas oo lagu daro, galayda ama midhaha lagu quudiyo doofaarka iyo digaaga lagu xanaaneeyo beeraha, taas oo ka caawisa in ay aad u koraan oo dhalmo badana yeeshaan.
Sida lagu sheegay bayaan laga soo saaray wasaarada beeraha ee dalka Jarmalka galaydan sumaysan ee cudurka Kansarka waxyaabaha dhaliya lagu daray, ayaa in ka badan shan iyo afartan kun oo tan, laga soo dejiyay, dekada Magaalada Braka ee gobolka Lower Saxony oo kaliya.
Waxa kale oo jira kumayaal tan oo iyagana laga soo dejiyay dekado kale oo ku yaala dalkaas, kuwaas oo si deg deg ah suuqyada ugu baahay, haddii la beerana ay ka soo go’ayaan dalag dhamaantii ku sumaysan, maadooyinka dhaliya Cudurka Kansarka.
Dadka ka faalooda arrimaha cuntooyinka ee dunida ayaa walaac badan ka muujiyay cuntooyinka sumaysan ama maadooyinka xanuunada dhaliyaa ku jiraan ee suuqyada dunida lagu kala iibsanayo iyo kuwa waxyaabo dadku aanay cunin laga samaynayo sida hilibka fardaha ee fadeexadii ka dhalatay dhawaan dunida gilgishay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.