WorldRemitAds
Ciyaaryahanka ku caanka ah kubadda Cagta, una safta Naadiga Real Madrid ee dalka Spain, Christiano Ronaldo, ayey soo waajaheen weeeraro farabadan oo kaga imanaya taageerayaashii uu ku lahaa dadweynaha reer Falastiin iyo kuwa Carabta Ah, kadib markii uu ka qayb-qaatay Xayeysiis ganacsi oo ay leedahay Shirkad Isgaadhsiineed oo Yuhuud ahi.

Xayeysiis muuqaal Fiidyow ah ayuu Ronaldo ka soo baxay isagoo ku hadlaya kelmado luqadda Hebrowga ah, isagoo muuqaalkana soo dhigay bogga uu ku leeyahay Twitter, isla markaana raaciyay hadal-qoraal odhanaya “Waxay u muuqataa inaan aad uga caan noqday Israa’iil.”
Sidaas darteed, ayuu xayeysiiskana qalbi-jab ku noqday taageerayaashiisii jeclaa ee bulshada carbeed, waxaanu isla markiiba Ronaldo helay fariimo aad u badan oo kaga imanaya Jamhuurka Carbeed, gaar ahaan dadka reer Falastiin oo si adag u weeraray, kuna tilmaamay muuqaalkiisa xayeysiisku inuu yahay mid uu ku yasayo taageerayaashiisa jecel, isla markaana uu ku waxyeelaynayo qadiyadda Falastiin.
Ciyaartoygan ayaa boggiisa Twitterka ee uu xayeysiiskan soo dhigay, waxa ku xidhan in ka badan Afartan MIlyan oo taageere, isagoo hadalkiisa uu raaciyay muuqaalka xayeysiiskan ku sheegay inay jirto ku-tiri ku teen odhanaysa inaan xidig ka noqon doono Isra’iil, laakiin xidignimadaasi aanay noqonayn tu kubadda cagta ah, balse ay noqon doonto xidignimo dhinaca xayeysiisyada ganacsi.
Taageerayaashiisa reer Falastiin ayaa hadalada Ronaldo kaga jawaabay fariimo cadho badani ka muuqato. Masalan mid ka mid ah dadka fariimahan soo qoray ayaa yidhi: “Halkani waa Falastiin ee maaha Israa’iil, waxaad lumisay dhammaan ixtiraamkii aanu kuu haynay.” Halka mid kalena uu soo qoray qoraal odhanaya: “Yuhuudu waxay naga xadeen dhulkayagii Falastiin, adiguna (Ronaldo) waxaad hadda u dhigan tahay nin gacansiinaya dil carruurta.” Mid kale oo saddexaad ayaa isna qoraalkiisa ku yidhi: “Nacdali ha ku soo degto Israa’iil. Hadda waxaa geesi aan taageero noqday Messi.”
Arrintan ayay warbaahinta Israa’iil wax ka qortay, waxaanay tidhi: “Siday u muuqato waxaa saameyn ku yeeshay Ronaldo sida ay dadka reer Israa’iil u soo dhaweeyeen xayeysiiskan, taasina ay keentay inuu markiiba boggiisa Twitter soo dhigo, isagoo marnaba ka fikirin dhinaca kale cadhada ay ku keeni karto taageerayaashiisa Israa’iil iyo inuu xayeysiiskan kala kulmi doono naqdi farabadan oo ah mid aad u adag.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.