WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, June 30, 2015 (Saxafi) – Golaha Degaanka Boorama ayaan weli la kala wareegin xilkii Magaalada Boorama kaddib isbeddel dhinaca maamulka golaha degaanka ka dhacay, xildhibaanada golahaasina xilka kaga qaadeen Maayarkii hore ee Magaalada mid kale iyo kuxigeenkiina ku doorteen, waxaana Magaalada Boorama amnigeeda gacanta ku haya ciidamada amniga iyo maamulka gobolka Awdal, iyadoo dhinaca kalena dadweynaha magaaladu isweydiinayaan goorta ay xilka la kala wareegi doonaan masuulyiinta la eryey iyo kuwa la doortay.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, dhinaca kale marka laga eego waxa jira ama soo baxaya qaybo ka mid ah dadweynaha oo iyagu wakhtigan kala guurka u qaatay fursad ay kaga faa’iideysan karaan hawlahooda gaarka ah wakhtigaasi sidaas darteedna go’aansaday inaanay iska lumin fursaddaasi yar, iyadoo labadii maalmood ee u dambaysayba ay soo baxayeen qaar ka mid ah dadweynaha oo u dhaqaaqay dhismayaal sharci-darro ah inay ka fuliyaan degaanno ka baxsan magaalada Boorama iyo magaalada dhexdeedaba, jidadka qaarna khatarba ugu jiraan inay xidhmaan intaanu maamulka cusubi la wareegin xilka.

Afar maalmood ku dhawaad ay guddi loo oo saaray diyaarinta qoraalka xilwareejinta labada maayar iyo ku-xigeenadooda weli ku shirsan yihiin hoolka dawladda Hoose, ayaa dhinaca kalena waxa xarunta iyo debedda dawladda Hoose ee Boorama ka dhacaya kala daadsanaan la soo deristay dakhli ururinta, maqnaanshaha shaqaalaha, iyo mashaariicdii horumarinta oo aan u socon sidii loogu talogalay, halka weli qaar ka mid ah farsamayaqaanadii golahaasi la gorgortamayaan dad doonaya inay cashuurta dhismaha kala muquurtaan, qaar kalena dhul-beereedyo ku dhawdhaw magaalada ku mashquulsan yihiin naqshadeyntooda.

SomlegalAds

Dhinaca kale waxa afar maalmood kaddib labada maayar aanay weli la kala wareegin mid kastaaba ku mashquulsan yahay hawlaha horyaalla, iyadoo maayarka cusubi weli dadweynaha kula dhex jiro wada tashi ku saabsan sidii uu u toosin lahaa waxa maayarkii hore ka khaldamay, halka maayarkii horena weli taageerayaashiisii ka dhaadhicinayo sifaha xilka looga qaaday, iyo waxa u qorsheysan mustaqbalkiisa dhinaca golahaasi iyo mid ka sii sarreeyaba.

Si kastaba ha ahaatee maalin kasta oo xilwareejinta labada maayar dib u dhacdaaba waa dhirbaaxo ku dhacaysa golaha degaanka iyo shacbiga uu masuulka uga yahay adeegyada sidaa darteedna loo baahnaa in degdeg loola kala wareego xilka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.