WorldRemitAds
Xukuumadda Britain ayaa dhawaan si rasmi ah u guda gashay mashruuc cusub oo ujeedadiisu tahay sidii culayska iyo buux dhaafka looga yarayn lahaa jeelasha dalkaas.

Mashruucan oo si gaar ah ugu jihaysan dadka ajaanibka ah ee sharci darada dalkaas ku soo galay, waxa maxbuus kasta oo ajaanib ah isla markaana ogolaada inuu dalka Ingiriiska ka baxo marka jeelka laga sii daayo la siin doonaa 1500-giniga ingiriiska ah, iyo kumaanaan gini oo kale, kuwaas oo lagu siin doono dalkiisa marka uu ku noqdo.
Britain oo maxaabiista siinaysa abaalgudKooxaha gadhwadeenka ka ah mashruucan ayaa ku andacoonaya in talaabadani fududayn doonto cidhiidhiga iyo buux dhaafka jeelasha dalkaas. Qof kasta oo ajaanib ah ayaa tobanaan kun oo gini la siin doonaa bisha ugu horaysa ee uu dalkiisa gaadho.
Arintan ayay sidoo kale dawlada dalkaasi rajeynaysaa in ay noqoto xal lagu fudaydiyo culayska jeelasha, halka lacagtan malaayiinta ah ee la siinayo maxaabiistuna fududayn doonto lacagaha xad dhaafka ah ee khasnada guud ee dadweynaha laga siiyo dadka maxaabiista ah eek u xidhan xabsiyada waaweyn ee dalka Britain.
Maxbuuska aqbala marka xukunkiisu dhamaado ayaa isna la siin doona lacag uu kaga baxo Ingiriiska iyo mid uu wax ku qabsado markuu dalkiisa gaadho, halka maxaabiista shuruudahan ogolaada iyadoo wakhtiga xadhigooda sagaal bilood iyo wax ka badani ka hadhsan yihiin ay ka lacag badnaan doonaan.
Dhinaca kale kooxaha danbiyada cul culus gaysta ee ku xukuman ayaa iyagu sii joogi doona dalka ingiriiska sida shuruudaha mashruucani tilmaamayaan.
Kooxaha ka soo hor jeeda mashruucan ayaa ku tilmaamay lacag la iskaga ciyaarayo oo la daa daadinayo iyagoo ku doodaya in maxbiista ajaanibka ah ee lacag loogu daraa, dib ugu soo noqon doonaan Britain lacagtana jeebka ka buuxsan doonaan.
Maxaabiista Ingiriiska ah ayaa marka ay dhamaystaan mudada xukunkooda waxay helaan aduun dhan 64-kun oo Gini taas oo loo siiyo inay kula qabsadaan nolosha. Dalka Britain waxa sanadkii kaga baxa daryeelka maxaabiista iyo kor u qaadista nolosha jeelasha lacag balaayiin dollar ah, waana culayska lacagtaa darteed waxa loo sameeyay mashruucan maxbuuska si mutadawacnimo ah u ogolaada inuu xabsiga uga baxo.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.