WorldRemitAds

Xidhiidhka kubadda cagta dalalka aan ictiraafka haysanin ee CONIFA ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababta ay booskii Somaliland ee Koobka Adduunka waddamada aan aqoonsiga haysanin ugu beddeleen Degmada Baraawe ee Somalia.

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta CONIFA Paul Watson ayaa sheegay in Barawe oo uu ku tilmaamay ismaamul-goboleed ka tirsan Somaliya ay ku dareen tartanka ka dhacaya magaalada London sababo la xidhiidha dhacdooyin murugo leh oo ka dhacay gudaha Barawa.

SomlegalAds

 “Gobolka waxa maamulaysay Al-shabaab muddooyinkii u dambeeyey, walina waxa ku jira dhibaatooyin argagixisadu u geysato. Arrin murgo leh ayey ahayd markii garoonka kubadda cagta la qarxiyey saddex tododbaad ka hor iyadoo ciyaari ka socota. Waxay ku jiraan halgan joogto ah” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta CONIFA, Mr. Paul Watson oo ka hadlayey sababta ay Baraawa oo aan ka mid ahayn dalalka madaxbanaanida ku dhowaaqay ay ugu dareen tartanka, isla markaana ay u gashay booskii Somaliland ee sannadkii hore. [Warku wuxuu ka sii soconayaa sawirada hoostooda].


Xusuusta ka Qayb-galkii Xulka Somaliland ee Tartanka Koobka Adduunka Dalalka Aan La Aqoonsan ee 2016

conifacup1
The Somaliland team poses for a portrait on the steps of the Hotel San Marino in Gagra while Russian tourists check-out. Photo by: Jason Andrew
conifacup5
Somaliland players warm up at the Daur Akhvlediani Stadium in Gagra. Photo by: Jason Andrew
conifacup11
Somaliland players pose for a portrait with a Russian tourist during an outing to Ritsa Lake. Photo by: Jason Andrew
Conifacup10
Somaliland player Guled Egal poses with fans in Gagra. Photo by: Jason Andrew
conifacup9
The Somaliland team says a prayer before their first match against Sapmi at Daur Akhvlediani Stadium in Gagra. Photo by: Jason Andrew
heroes
Somaliland Football Association. Photo via ConIFA Facebook page.
Somaliland in Abkhazia
The Somaliland soccer team receive a roaring welcome from the crowd at the Conifa World Football Cup opening ceremony in Abkhazia.
Conifacup15
Somaliland players Ilyas Mohammed and Abdinusir Dualeh take selfies on a paddleboat on Ritsa Lake. Photo by: Jason Andrew
conifacup16
Omar Sharif-Omer tries to save the ball from going out of bounds during Somaliland’s 3-2 victory against Chagos Islands. Photo by: Jason Andrew

Paul Watson waxa uu xusay in Xidhiidhka kubadda cagta ee Barawa ay ka shaqeeyaan inay caawiyaan da’yarta, isla markaana ay tartan kubadda cagta ah ka qabtaan magaaladaas, waxaanu yidhi: “Xidhiidhka Kubadda cagta (FA) ee Barawa waxa uu ka shaqeeyaa inuu si togan u caawiyo da’yarta oo uu tuso tamartooda, sidoo kalena horyaal ayuu ka qabtaa Barawa gudaheeda. Run ahaantii waxay si dhab ah u dhiirigeliyaan oo soo koobaan waxa CONIFA ay u taagan tahay.”

Qurba-joogta Barawa ee ku nool waddanka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London ee uu tartanku ka socdo ayaa si weyn uga shaqeeyey sidii ay gobolkooda ugu dari lahaayeen tartanka Koobka Adduunka dalalka aan la aqoonsanin, iyadoo qurba-joogtii iyo aqoonyahannadii Somaliland ee halkaas joogay ay ka gaabiyeen, iyagoo waliba gacan ka heli lahaa Ingiriiska oo wakhtigii gumaysiga gacanta ku hayn jiray Jamhuuriyadda Somaliland, halka Somaliya oo Barawa ka tirsan tahay ay Talyaaniga gacanta ugu jireen.

Si kastaba ha ahaatee, waxay arrintani muujinaysaa in guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland ay ka xidhxidhan tahay fagaareyaasha ciyaaraha ee Caalamiga, taas oo ay u dheere tahay, in gudaha waddanka aan muddo dheer laga qabanin ciyaaro xilliyeysan marka laga reebo ciyaaraha gobollada oo iyaguna markay doonaan dib u dhaca.

Dhowaan ayey xidhiidhka kubadda cagta Somaliland sheegeen inay tartan u qabanayaan 32 kooxood oo 28 ka mid ah ay ka dhisan yihiin caasimadda Hargeysa, halka inta kalena ay ka imanayaan gobollada oo aanay ku jirin magaalada Burco oo laga reebay.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wakhtigii uu ku jiray ololaha doorashada, waxa uu ballan-qaaday inuu ka shaqayn doono horumarinta dhallinyarada, iyadoo uu dhawr jeer ka qayb-galay tartamo xilliyadii Ramadaanta ka socday garoomada qaarkood, waxaase laga sugayaa inuu waddanka ka hirgeliyo tartamo ciyaareed oo xilliyeysan oo dhallinyarada ka caawiya inay xirfaddooda kusoo bandhigaan, xijaabna uga noqdo aafada tahriibka oo marka wax ay ku mashquulaan ay waayaan ay ku dhiiradaan inay u badheedhaan khatarta tahriibta.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.