Daawo: Shirweynihii 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, ayaa Salaasadii ka furmay Hotel Maansoor ee Hargeysa, halkaas oo maalintii koowaad lagu soo doortay Musharaxiinta Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi iyo Ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici),
kuwaas oo noqon doona Musharaxiinta KULMIYE uga qayb-geli doona doorashada Madaxtinimada ee la filayo inay dalka ka dhacdo Bisha March ee sannadka 2017.