“(Aragtida ah) Somalia inay lumisay sharciyadii dalnimo haddii UK qaadato, waxay maax-duminaysaa ra’yiga Maraykanka iyo Midawga Yurub”
London, March 5, 2017 (Saxafi) – Dawladda dalka Ingiriiska ayaa sharaxaad ka bixisay tabaha ay Somaliland ku heli karto aqoonsi caalami ah, isla markaana hoosta ka xariiqday inay jiraan dalal badan oo dunida ka mid ah danaynaya qaranimada Somaliland.
Warbixin ka soo baxday Baarlamaanka Ingiriiska 15-kii bishii aynu ka soo gudubnay oo lagaga hadlay doorashada madaxtinimada Somalia, mawqifka Somaliland iyo aragtida ay dawladda UK ka qabto aqoonsiga
Somaliland, isla markaana lagu baahiyay bogga ay internetka ku leeyihiin baarlamaanka Ingiriisku ee
http://researchbriefings.files.parliament.uk/documents/CBP-7298/CBP-7298.pdf), waxa lagu sheegay in aanay dawladda Ingiriisku waqti xaadirkani diyaar u ahayn inay kelideed aqoonsato madax banaanida Somaliland, sabab la xidhiidha dhinaca qawaaniinta caalamiga ah, balse ay jiraan tabo kale oo u saamaxaya arrintaasi haddii ay dhacaan.
Haddaba warbixintani oo intii ka khusaysay Somaliland uu inoo Turjumay weriye Maxamed-Amin JIbril waxay u dhacday sidan.
“Somaliland umay diran wakiilo wada xaajoodkii hannaanka doorashada cusub ee Somalia. Sida xagga hore lagu sheegay, Somaliland wax lug ah kumay lahayd amaba kama qayb gelin habsami u socodkii doorashada Somalia ee 2016-17 (s). Isku dayo diblomaasiyadeed oo la doonayay in lagu qanciyaana lagama gaadhin wax guul ah.
Waxa (kale) oo ay dhawaan dib u dhigtay doorashadii ay mar horena dib u dhigtey ee madaxtooyadda ee loo asteeyey bisha March ee sannadka oo dib loogu dhigay ilaa bisha October ee 2017, sida ay rasmi ahaan sheegeena sababtu ay tahay abaar daran oo jirta awgeed. Laakiin beesha caalamku way dhaliishay. Xidhiidh lama filaan oo ay la yeelato Madaxweynaha cusub ee Somaliana waa mid aan la filayn inuu dhaco.
Dawladda Ingiriisku waxay taageere awood badan u ahayd Madaxweyne Maxamuud (Xasan Sheekh). Inkasta oo ay la wadaagaysay qaadhaan bixiyayaasha kale sida aanay ugu qanacsanayn hawl gudashadiisa oo aan keli ah ahayn musuqmaasuqa.
Dawladda Boqortooyada Midowday waxay qabtaa aragtida federaaliga ah ee Somalia oo ay ku jirto Somaliland, taasi oo ay dawladda UK la leedahay xidhiidh fiican oo ku dhisan iskaashiga horumarka, la dagaalanka argagixisada, iyo arrimaha budhcad badeedka. Laakiin aan aqoonsanayn, una aqoonsan doonin sidii dawlad madax banaan.
Dawladda UK waxay dhiiri gelisay wada hadalo toos ah oo dhexmara dawladda federaalka Somalia iyo dhigeeda Somaliland sannadahani.
Guud ahaanba siyaasadda UK maaha inay taageerto gooni u goosadka ee ka jira wadamada dunidu aqoonsan tahay. Siyaasaddani waxay salka ku haysaa mawqifka Qaramada Midoobay ilaa intii la aasaasay ee ka
dambaysay dagaalkii 2-aad ee adduunyada. Hase yeeshee, waxa jira, meelo yar yar oo ka baxsan mawqifkani.
– Waxa ka mid ah meelaha aan ku jirin, meelaha ay aqbaleen dhinacyadii isku dalka ahaa, caadi ahaan inay si nabad ah u kala baxaan, sida Koonfurta Sudan iyo Ereteriya.
– Waxaa kale oo ka mid ah meelaha aan ku jirin, meelaha qarankii (dalkii) lumiyay sharciyadiisii (dalnimo ee loo aqoonsanaa) marka lagu eego indhaha beesha caalamka oo ay ku jirto UK. (dalal badan ayaa ka soo dhex baxay dalkii hore loo odhan jirey Yugoslavia).
Marka ay noqoto in UK ka caawiso Somaliland inay aqoonsi hesho, marka hore waxa loo baahan yahay inay siyaasadaasi qaadato Somalia.– amaba aragtidda ay u aragto in Qaranka (dalka Somalia) lumiyay sharciyadiisii. Dawladda UK, aad bay ugu adagtahay inay kelideed talaabadaasi qaado, taasi oo macnaheedu yahay inay kala aragti tahay saaxiibadeeda kale ee dunida sidaasi ay la qabaan. Qaadista talaabadaasi ee xilligani waxay maax duminaysaa aragtida Maraykanka iyo Midawga Yurub ee kale Somalia.
Waxaa jira qaar badan oo beesha caalamka ka mid ah, kuwaasi oo u hanweyn doonista madax banaanida ee Somaliland, laakiin waxay u muuqdaan qaar sugaya in wadan ka mid ah Midawga Afrika uu bilaabo talaabadaasi”