WorldRemitAds

Inta badan duuliyayaasha diyaaradaha rakaabka ee dalka Maraykanka ayaa todobaadyadii u danbeeyay cabasho isa soo taraysa ka bixinayay qalabka electronic-ga ee Madaarada dalkaas lagu baadho dadka ka soo degaya iyo kuwa ka dhoofaya.

Duuliyayaal badan ayaa muujiyay sida baadhista is daba jooga ah ee mar walba loogu sameeyaa dhibaato caafimaad iyo culays nafsi ah ugu yeelatay guud ahaan noloshooda.

1_963697_1_34Sida wakaaladaha wararku baahiyeen, waxa duuliyayaashu khatyaan ay ka noqdeen sharciga Madaarada ee waajibka kaga dhigaya qof kasta oo diyaaradaha ka soo dega ama sii fuulaya inuu maro oo lagu baadho, qalabka waxyaabaha halista ah iyo cida sidata ee doonaysa inay ka gudubto, sidaa daraadeed waxay duuliyayaashu maraan markasta oo diyaarada ay wadaan soo fadhiisato iyo markasta oo ay duulimaad galayaan, taas oo marka laga eego dhinaca caafimaadka iyo damiirka culays ku ah qofka.

SomlegalAds

Wasaarada amaanka gudaha ayaa shaaca ka qaaday maalintii jicmihii in la wado xog ururino lagu eegayo sidii arintan xal looga gaadhi lahaa, inta aanay noqon mid faraha ka baxda isla markaana ay ka dhashaan haliso laga soo waaqsan waayaa.

Baadhista madaarada oo awalba hore u adkayd ayaa haddana mar kasta oo dhibaato ammaan daro ama weeraro argagixiso ay dhacaan ahayd mid la sii kordhiyo oo heer adag la gaadhsiiyo, ilaa ay ka gaadhay ama isu rogtay mid dhibaato ku ah isu socodka diyaaradaha.

Sida uu dhigayo sharciga cusub ee amniga Maraykanku dhigayo, qof kasta oo diyaarad raacaya ama ka soo dega, waxa uu ku khasban yahay inuu maro qalabka baadhista ee madaarka, xitaa duuliyayaasha diyaaradaha.

Duuliyayaasha ayaa in badan oo ka mid ahii amineen in caafimaadkooda ay saamayn ku yeelanayso arintani waxaanay gudbiyeen cabasho taas oo keentay in wasaarada amaanka gudaha ee dalka Maraykanku baadhis iyo xog raadin bilowdo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.