WorldRemitAds

Iyadoo maalinba maalinta ka danbaysa ay ka sii darayaan colaadaha ka socda dalka Suuriya, duqaynta, dilka iyo gumaadka shacabka dalkaasina noqday mid dunidu u kala dheerayso, ayaa warar hor leh oo dhiilo ah laga soo warinaya, gaar ahaan goobaha ay ka taliyaan kooxaha mucaaridka la dagaalamaya dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Bashar Al Assad.

Sida uu baahiyay xafiiska xuquuqda aadamiga u qaabilsan dalkaas ee fadhigiisu magaalada London yahay, kooxaha mucaaridka dalka Suuriya ayaa gabood ahaan u isticmaalaya dadka Calawiyiinta ee ay isku mad-habta yihiin Madaxweyne Asad.

560_03Magaalada Quda oo ka mid ah gobolka Dimishiq, ayaa kooxda ka Talisa ee Mucaaridka Dalkaasi ay dadka Calawiyiinta ku gureen, Khafisyo ka samaysan biro xadiid ama garaa’id ah, ka dibna inta ay shan ilaa sideed qof oo rayid u badan ay ka buuxiyaan ayay dhigeen, goobaha ay uga baqayaan in diyaaradaha dagaalka Dawlada Suuriya duqeeyaan.

SomlegalAds

Dadkan shabaglayaasha lagu guray ee gabood ahaanta loo dhigayo goobaha in la duqeeyo looga baqayo, ayaa u badan dad rayid ah, kuwaas oo xitaa dumar iyo carruuri ay ku jiraan, waxaana khasab lagaga dhigay inay dhex taagnadaan gawaadhida shabaglayaasha ah, maalin kasta ilaa gabalku ka dhacayo.

Guddoomiyaha xafiiska xuquuqda aadamiga Suuriya, Rami Cabdul Raxiim ayaa sheegay, in dadkan gabood ahaanta loo adeegsanayo, kooxaha haystaa baahiyeen, muuqaalo ay ka duubeen fariin codsi ah oo dadkan masaakiinta ah ee gaboodka laga dhiganayaa u dirayaan Madaxweynaha Suuriya Bashar Al Asad, kaas oo ay kaga dalbanayaan in aanu duqayn goobaha ay ku sugan yihiin, waxaanay dadkan oo qaarkood waayeel yihiin ay Bashar Al Asad ka codsadeen inuu tix geliyo baryadooda oo uu duqaynta ka daayo.

Dadkan masaakiinta ah ayaa sida wararku sheegayaan aan iyagu wax danbi ah ka gelin, mucaaridka dalka Suuriya, balse waxa kaliya ee loo dhibayaa tahay inay Madaxweyne Asad isku mad-hab yihiin, waxaana sida xoolaha oo kale loogu guraa gaadiid ka dibna tarab tarab loogu dilaa meel kasta oo ay ku sugan yihiin.

Xaalada ka taagan dalka Suuriya ayaa dhaaftay intii caadiga ahayd ee dagaalada u dhexeeya aadamigu gaadhi jireen, waxaanay muuqanaysa in gumaad sharciyaysan oo dunidu kala taageeraysaa uu ka socdo dalkaas, kaas oo mar kasta oo uu hoos u dhaco loo kordhinayo xaabada dhinacyo cusubna ay ku soo biirayaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.