Hargeysa, Somaliland, March 10, 2018 (Saxafi) – Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland, isla markaana ka mid ah ahaa aasaasayaashii ururkii SNM, Maxamed Xaashi Cilmi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay wada hadalada la doonayo in la isku soo horfadhiisiyo Somaliland iyo Somalia.
Maxamed Xaashi waxa uu sidaasi ku sheegey qoraal uu Saxaafadda ugu talo galay oo aanu helnay nuqul ka mid ah, waxaanu qoraalkaasi ku yidhi. “26 June 1960 markii ay Somaliland xornimada qaadatay, waxaanu israacnay Somalia oo xorriyadeedii sugaysay si loo doono shantii Soomaaliyeed oo kuwani dawladda Somaliland iyo Somalia ay ahaayeen labadii ugu horeeyey.
Labadaa ku heshiiyey inay israacaan (Somaliland iyo Somalia) sidii loo qaybiyey dawladda ayaa saluug badani ka dhashay, qaybtaasi waxay keentay inay Caasimadu noqoto Muqdisho, Madaxweynuhu noqdo Somalia, Ra’iisal Wasaaruhu noqdo Somalia, Wasiirka Maaliyadu noqdo Somalia, Wasiirka Arrimaha debadu noqdo Somalia, Wasiirka Arrimaha guduhu noqdo Somalia, iyo dhammaan awoodihii ugu sareeyey, waxay halkaasi ka muujiyeen in aanay dawladdii dhamayd ee Somaliland waxba u ogolayn. Arrintaasi oo sidaasi u muuqata hadafkuna ahaa in shan soomaaliyeed la gaadho ayay Somalia indhaha ka qarsatay, Baarlamaankii Somaliland wuxuu ansixiyey israac labadaa dawladood, balse Baarlamaanka Somalia ma ansixin israacaasi, Sababta oo ah kama bixin ammaanadii UN-ku gacanta ku hayay. waana sababta Inqilaabkii Xasan Kayd madaxda ka ahaa loogu waayay sharci qabta oo lagu xukumo, maadaama oo aanu dhaboobin amaba aanay jirin midnimo sharci ah oo la isku raacay.
Waxa kale oo ka dambaysay aftidii dastuurka ee la qabtay June 1961-kii oo ay boqolkiiba todobaatan reer Somaliland diideen, maalintaasi ayay Somaliland la soo noqotey madax banaanideedii, israac
Arrimahaasi waxay jawaab u yihiin cid kasta oo tidhaahda midnimo sharci ah ayaa jirtey, balse waxaan jirin awood abaabulan oo laga iskaga kiciyo nidaamka sharci darrada ku jooga dalka.
Intaa ka dib ina Siyaad Barre wuxuu laalay sharciyadii beenta ahayd ee midnimada beenta ahi ku dhisnayd 1969-kii, ka dib markii uu awoodda kula wareegay xoog ciidan. Maalintaa ka dib waxa ay u isticmaaleen dadka reer Somaliland xoog ciidan, isaga oo qabiil ahaan u adeegsaday waxaanu u daliil ah xasuuqii Xamar oo caasimadii ah ka dhacay, meesha la yidhaahdo Jasiira. Iyo weliba in ka badan 243 xabaal wadareed oo ay ku jiraan kumanaan shacab oo aan waxba galabsan balse loo laayey haybta ay ka soo jeedaan.
Raggii xasuuqaasi iyo dhibkaasi geystey ayay Somalia u aragtaa geesiyaal, ku darsoo Cali Samatar oo maxkamad maraykan ahi ku xukuntey dambiyadii xasuuqa ee uu galay ayay aas Qaran loogu sameeyey Muqdisho iyo kuwa kale ee la midka ah ee dhagar qabayaasha ah ee xasuuqii Somaliland Geystay ayay halyeyo qaran u yaqaanaan. Waxaase la yaable leh madaxda Somaliland ee dawladda geesiyadda ka dhigtey dadkii waxaasi oo dhan geystey aynu wada hadalno baryaysa.
Hase yeeshee, Farmaajo iyo xukuumadiisa waxaanu u sheegaynaa in Somaliland madax banaanideeda sharciyadeed xoog lagula soo noqday oo aan marnaba la aqbali karin midnimo dambe oo been abuur ah” ayuu yidhi.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray Maxamed Xaashi, in Somaliland tahay dal Madax banaan (sovereign state) oo nooc kasta oo heshiis caalami ah geli karta, sida ku cad qoraaladda hay’adda Ganacsiga Adduunka ee WTO/GATT oo ay Somaliland xubin ka noqotey sannadkii 1952-kii, (Halkan ka rogo) Somalia-na loo diiday inay xubin ka noqoto xataa 1960-kii (Halkan ka rogo) marka ay sheeganayso inay madax banaani qaadatay. Sida lagu sheegey qoraaladaasi Somalia waxay buuxin weyday qodobka XXXIII ee hannaanka maamulka tacriifadaha iyo ganacsiga, ilaa maantadaasi aynu joognana Somalia raadinayso inay xubin ka noqoto oo loo diiday”.