WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 10, 2018 (Saxafi) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku sifeeyay xukuumadda Soomaaliya mid ku fashilantay inay nabadayso dalkeeda, waxaanu sheegay in shaqadeedii noqotay inay xaasido dawladnimada Jamhuuriyada Somaliland.

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Waxa uu intaas ku daray   in heshiiska saddex geesoodka ah ee horumarinta marsada Berbera ee ay wada galeen Dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda DP World uu fuli doono.

Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA xalay. “Horta ma jirto wax la yidhaahdo dawlad sharci ah oo Soomaaliya ka dhisani, waxa ugu dambaysay dawlad tii Siyaad Barre, inamadan imika joogaana way nabadeyn kari waayeen dalkooda oo markii ay waxba qabsan kari waayeen ayey arrintoodii ku soo ururtay inay xaasidaan Somaliland. Taasina uma soconayso,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.

SomlegalAds

Guddoomiyaha UCID oo ka hadlayey hadal ka soo yeedhay Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaanu sheegay in Somaliland ay dhaaftay wakhtigii lagu khuukhin jiray dalka Itoobiya oo uu xusay inuu ka dhexeeyo cilaaqaad wax-wada qabsi ballaadhani, waxaanu yidhi; “Waxaan u  sheegaynaa Soomaaliya in Somaliland ay dhaaftay  xiligii lagu khuukhin jiray Itoobiya oo aanu jaar nahay,  Somaliland waxay xidhiidh dhaqan iyo iskaashi naga dhexeeyaa dawlada kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya oo xor  ah kana tirsan dawladda Itoobiya.”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu xusay in Somaliland ay jaar la tahay dalalka carabta sidaas darteed waddamada carabtu ay tahay inay wax la qabsadaan Somaliland, waxaanu yidhi “Somaliland ayaa la jaar ah badda cas ku taalla, Soomaaliya jaar lama aha Carabta, sidaas darteed waxa waddamada carabta dantoodu ku jirtaa Somaliland ee kuma jirto Soomaaliya.”

Guddoomiyaha UCID oo la weydiiyay siduu u arko Bayaan ka soo baxay shirkii wasiirrada dalalka carabta oo ka dhashay ashkato ay u gudbisay dawladda Muqdisho, waxa uu sheegay in dalalka carabtu ay maaweelinayaan Soomaaliya.

Sidoo kale Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu soo dhaweeyey sidii adkayd ee madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uga jawaabay hadalkii xiqdiga ahaa ee ka soo yeedhay Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya.

Guddoomiye Faysal wuxuu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu Soomaaliya dareen siiyey tacabka iyo dhibaatada ummadda reer Somaliland u soo martay dib u xoraynta dalkeeda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.