WorldRemitAds

Ceel-Afweyn, Somaliland, July 12, 2018 (Saxafi) – Weftigii uu hogaaminayey Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Ceel-Afweyn ka soo saaray go’aamo hordhac ah oo lagu xoojinayo amniga.

Qodobadan oo uu akhriyey wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in afar qodob laga soo saaray shirka ka socda Ceel Afweyn.

SomlegalAds

Waxaana ay kala yihiin afartan qodob sidan:

1. In ciidamo beeleedyada nin waliba uu ku sugnaado halkii loo qorsheeyay si shaqaaqo dambe u dhicin.

2. In Ciidamadaas cidii ka tirsan ee lagu arko meel aan ahayn meeshii loo qorsheeyay loo aqoonsanayo inay yihiin fidmo wadayaal.

3. In Ilaalinta dhaq-dhaqaaqyada ciidamada hubaysan ee beelaha ay masuul ka yihiin ciidamada Qaranka Somaliland iyo 4. In Ilaalinta nabad-galyadu ay tahay danta guud ee qaranka, gaar ahaan danta Ceel-afweyn, waxaanu xil-buuxa naga saaran yahay soo afjarida mashaqadaas.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha mucaaradka ah ee xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe,kuwaas oo sheegay inay muhiim tahay in nabadda la ilaaliyo oo dadka walaalo ahi dantoodda gartaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.