WorldRemitAds

Saylac, Somaliland July 31, 2016 (Saxafi) – Xildhibaanadda golaha deegaanka Degmadda Saylac ayaa dhaliilo u soo jeediyey wasiirka Arrimaha Gudaha, wasiir ku xigeenka goboladda iyo degmooyinka, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay ku xad-gudbeen hawshoodii shaqo, islamarkaana soo faro geliyeen laba goobod oo ay degmadda Saylac dakhli uga soo xaroodaan, waxana sidoo kale mudaneyaasha golaha deegaanka Saylac sheegeen in aan lala socodsiin talaabada ay qaadeen masuuliyiinta wasaarada arrimaha guduhu.

Kal-fadhigii caadiga ahaa ee ay yeesheen xildhibaanada golaha deegaanka degmada Saylac ayaa si wada jir ah ay ugu qaadaceen go’aan kii ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha Somaliland oo ay ku saxeexan yihiin afar xubnood oo kala ahaa wasiirul dowlaha amniga wasaarada arrimaha gudaha, wasiir ku xigeenka gobolada iyo degmooyinka, agaasimaha guud ee arrimaha gudaha iyo agaasime waaxeedka wasaarada maaliyadda u qaabilsan waaxda qorsheynta in la xidho laba goob-cashuureed ama xafiis oo dakhli ka soo galo golaha deegaanka degmada magaalada Saylac.

Fadhigan golaha deegaanka Saylac oo intooddii banayd soo xaadireen ayaan mudaneyaashu u kala hadhin cambaareynta maamulka wasaaradda Arrimaha gudaha, waxaanay baaq u direen wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, labada aqal ee golaha wakiiladda iyo guurtida iyo ururka dowladaha hoose, kuwaas oo ay u gudbinayaan cabashoodda. “Waxaa ujeedada shirkayaga jaraa’id u qabanaynaa yahay cabasho aanu ka cabanayno go’aan ka soo baxay wasaarada Arrimaha gudaha oo ah in lagu xidho laba goob-cashuureed ama laba xafiis oo ay dowlada hoose ee Saylac leedahay in albaabada loo xidho. Labada xafiis ee la xidhayo oo kala ah labada xafiis ee la xidhay Cabdiqaadir iyo Casho-caddo, waxaana ay xidhan yihiin 2-dii bishii July illa hadda, halkaana waxa ku seegay dakhli xog ah oo dowlada hoose kaga lumay.

SomlegalAds

Waxaana go’aankani uu leeyahay labada xafiis waa in la xidho oo loo bedelo magalada Lowyacaddo go’aankaasi oo uu goluhu ka soo jeediyey cabasho iyo qaylo-dhaan, islamarkaana ay baaq u direyaan wasiirada wasaarada arrimaha gudaha iyo labada gole ee xeer dejinta ee dalka (Wakiilada iyo guurtida) iyo ururka dowladaha hoose la yidhaahdo Al-gasar qaybteeda sharciga, ayaanu u gudbinayna cabashadayada. Cabashadayada waxa ay leedahay labada goobood ee cashuur-ururinta waxa ay uu furnayd muddo 22 sano ah, go’aanka ka soo baxay wasaarada oo ay ku saxeexan yihiin afar xubnood oo ay ka mid yihiin wasiirul dowlaha arrimaha gudaha, wasiir ku/xigeenka gobolada iyo degmoyinka iyo agaasimaha guud arrimaha gudaha iyo xubin ka mid ah wasaarada Maaliyadda oo ah agaasime waxeedka qorshaynta oo ay ku saxeexan yihiin go’aankaas lagu xidhayo labada xafiis ee dowlada hoose iyagoon haba-yaraatee aanan cuskan xeer iyo sababo ku cad waraaqda go’aanka kuna qanci waynay.

Sida darteed cabashada waxa aanu leenahay gudigaasi wuxu ku tuntay sharciga dalka iyo kii u yaalay ismaamulka madaxa-banaan ee gobolada iyo degmooyinka ayey si badheedh ah ugu tunteen, iyago fulinaya go’aan ficilaysan oo gooni ku ah golaha deegaanka degmada Saylac, maaha mid degmooyinka kale ee dalka u soo baxay go’aankani ku soconeya maaha. Kaas oo wax u dhimay dhaqaalihii dalka ee dowladda hoose ee degmada Saylac, iyadoo sida aanu ognahay ba labada dakhli oo kala ah dakhliga maaliyadda ay qabato ee dowlada dhexe iyo dakhliga ay qabtaan dowladaha hoose labadoodu ay yihiin laba dakhli qaran laguna fuliyo adeega dalka iyo dadka oo labadoodu kala leeyihiin xeer iyo awoodo gaar ah ay leeyihiin una diyaar yihiin inay u adeegaan dalka oo haga sharciga aanay ku kala saaraynin.

 Waxana aanu aragnay haddanu nahay golihii in go’aanka albaabada lagu xad-gudbay qodobada dastuurka qaranka ee dalka qodobkisa 110 faqraadiisa 4-aad oo odhaneya ismamulka madax-banaan ee gobolada iyo degmooyinka ay leeyhiin inay meel kaga dhaceen, iyo maamul-dadejinta halkaas oo maamul-dadejinta kaga dhaceen maamul ka mambnuuc tahay in amar dibada laga soo dhadhiciyo aanu jirin, una u ogolaanaya gobolada iyo degmooyinka inay inta xudooda u gaar ah ay ka midho dhaliyaan waajibaadka saaran dhamaan golayaasha oo cidna u yeedhin Karin, meeshan ka guura iyo meeshan dega iyo inta ba.

Waxa kale oo ay ku xad-gudbeen xeerka ismaamulka gobolada iyo degmoyiinka ee Xeer/23/2002 ee dib u habaynta lagu sameeyey sanadki 2007-kii, oo isaguna qeexaya ismaamulka madaxa-banaan siiba qodobkiisa 36 faqradiisa 1aad ila 7-aad halkaas oo uu ku cadeynayo awooda madax-banaanida iyo dhaqaale ee golaha deegaanka degmadiisa uu leeyahay inta xadka gudihiisa ah haday dhaqaale tahay iyo nabadgalyo tahay iyo hadday waxqabad tahay-ba . Taas oo go’aankan ay soo saareen gudigani uu baalmarsan yahay oo lagu leeyahay xafiisyada cashuureed halka ha laga raro, cashuurtu hadday xalaal tahay golaha deegaanka waxa waajib u leeyahay xududeeda inta ku jirta oo uu dhaqaale ka heli karo in uu doono sidii uu ka midho dhaliyo waajiibka saaran golaha degaanka.” Ayuu yidhi maayarka degmadda Saylac, ahna gudoomiyaha golaha deegaanka Saylac Xuseen Iidle Barkhad.

Dhinaca kale, khilaafkani waxa uu salka ku hayaa mashruuc ay wasaarada maaliyadda Somaliland mudooyinkan dambe ku hawlaneed sidii loo midayn lahaa dhamaan cashuurta la ururiyo, islamarkaana mar keliya la wada bixiyo, hase yeeshee mudaneyaasha aqalka wakiiladda Somaliland oo dhowaan ansixiyey xeer ku saabsan cashuur ururinta lagu cadayn kala xadaynta labada maamul ee dhexe iyo degmooyinka ee cashuur ururinta.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.