WorldRemitAds

Nayroobi, Kenya, July 31, 2016 (Saxafi) – Warbaahinta gudaha Kenya ayaa maalmahan dambe qorayey in ciidanka Kenya iskaga baxeen boqolaal askari oo Muslimiin ah shantii sanno ee u dambeeyey.

Wararkaas ayaa sheegaya in ay waraaqo iscasilaad ahi soo gudbiyeen amaba aaanay soo gudbine ee ay iskaga baxayaan iyagoon ogeysiis xataa dhiibin. Waxay sheegeen in xaaladaha shaqo ama daruufaha shaqo ee ciidanku ku adkaadeen.

Qaar ayaa sheegay in walbahaar badan ay kala kulmeen shaqadii ciidamda iyo in marmar si been abuur ah loogu eedeeyo in Al-Shabaabka ay dagaalka kula jireen ay ba taabacsan yihiin.

SomlegalAds

In badan oo ka mid ah ayaa warbaahintu sheegtay in laamaha sirdoonka ee dawlada Kenya ay aad dhaqdhaqaaqooda ula socdeen-waa saraakiil u badan Muslimiin lagu eedeeyay inay xarumaha ammaanka xag jirnimo ka wadeen.

Wargeyska ‘The Star’ ayaa sheegay inuu aad u ogaanaayo cadho qotto dheer iyo kala shaki soo kala dhex galay saraakiisha darajooyinka hoose iyo kuwa sarsare.

Dadka arimaha ammaanka qaadaa dhiga ayaa ugu yeedhay arinkaa sidii inuu yahay “bambo sugeysa waqti waqtigaas oo kadib ay qarxi karto”.

‘Iyagu naguma kalsoona’. Sidaa ayuu u sheegay mid ka mid ah saraakiisha is casilay. ‘Waad ogtahay saaxiibow in dalkan dhiiranaan aanu ugu adeegno. Laakiin, waa arin qalbi jab leh hadii lagugu dhajiyo astaan ah inaad tahay qof u janjeedha argagixisonimo iyo cadaw daakhili ah’. Intaa ayuu raaciyay.

“Taliyeyaasha militarigu naguma kalsoonaan karaan intan wixii ka badan. Mar waxaa dhacday in naloo diray magaalo xadka ku taala si aan u baacsano Al-Shabaab. Laakiin afar kale iyo aniga ayaa Nairobi na loogu yeedhay iyadoon wax sharraxaad ah laga bixin,” ayuu hadalkiisa ku daray askariga ciiidanka iskaga baxay.

Kadib ayay ogaadeen in loo soo celiyay “inaysan shaqada u qaban karayn si habboon” darteed.

Wargeyska The Star wuxuu warbixintiisa uu shalay qoray ku sheegay in markii lala xidhiidhay afhayeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Njoka Mwenda uu codsaday waqti dheeraad ah oo uu ku soo jawaabo.

“Kani waa arin culus. Waa inaan la xidhiidho cutubyo kala duwan oo la carrabaabay,” ayuu yidhi askarigan muslimka ahi ee ciidanka Kenya kala kulmay cadaadisku.

Waxaa sidoo kale la sheegay in dhaqdhaqaaqa booliska xabsiyada ugu waaweyn Kenya aad loola socdo-waa xabsiyada Shimo la Tewa iyo Kamiti. Waxaa booliska xabsiyadaa ilaaliya qaar lagu eedeeyay inay xagjirnimo baraan askarta kale ee biliiska ah ee ay isku midka yihiin iyo maxaabiista waa sida hadalka loo dhigaye!

Salaasaddii nin booliska ka tirsanaa ayaa waxa qabtay booliska argagixisonimada la dagaalama kadib markii lagu soo eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay argagixiso. Askarigaasi la qabtay ilaa hadana meel la dhigay lama oga.

Sheekada Ciidanka Kenya ee laga baxayo ayaa ka danbeysay ka dib markii lagu soo eedeeyay qaarkood inay bixiyeen xog qarsoodi ciidamada u ahayd oo la xidhiidha ammaanka iyo inay wiiqeen dadaalada dawladu kula dagaalamayso argagixisonimada. “Teeda kale, markii aan isku dayayno inaan shaqada isaga baxno maadaama aan dareemeyno inaan naloo arkin askar la mid ah askarta Kenya ayey teliyeyaashu yidhaahdaan waxay uga tagayaan ciidanka inay ku biiraan Al shabaab” ayuu yidhi askari muslim ah oo wargeyskan u warmayey.

Ciidamada militariga looma ogola inay is casilaan iyagoon ciidamada ku jirin 10 sano. Hadii aad goosato ciqaabo dhowr ah ayaa lagu marin karaa sida in maxkamada ciidamada lagugu qaado.

Saraakiil ayaa sheegay in weerarkii Janaury 15 ee Ceel Cadde kadib askari Kenya oo Soomaali ah ‘si caddaalada ka baxsan’ loogu eedeeyay inuu shirqoolay askartii ay Kenya ka wada tirsanaayeen ee xerada AMISOM, arrintaas oo keentay geerida qiyaastii 200 oo askari waa sida wargeysa The Star daabacay.

 “In badan oo anaga ah ayaa furrinta hore jooga oo difaacaya ummadan. Hawlgaladii ugu khatarta badnaa ayaanu ka qeyb qaadanay gudaha Soomaaliya hadii aan tusaale soo qaato. Laakiin waxaa nalooga shakinayaa inaan xidhiidh la leenahay argagixiso. Arintani uma fiicna ciidamada,” ayuu yidhi askarigaasi.

‘Masaajid ku dhex yaala xero weyn oo militari oo caasimada dhexdeeda ah waa lala socdaa oo kormeer ayaa lagu hayaa khudbadaha laga jeediyana aad ayaa loo dhageystaa’, ayuu hadalkiisa raaciyey.

 “Hab dhaqanka noocaa ah ma horumarinayo danaha dalkan. Wuxuu un dhalaa ammaan darro wuxuuna abuuraa daldaloolo liddi ku ah dagaalka lagula jiro cadawga,” ayuu yidhi

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.